Soomaaliya: Xasan Sheekh Oo Ka Hor-yimid Go’aan Farmaajo Soo Saaray

Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho (Aftahan) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka sharci-darro ku tilmaamay Qaraar uu Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo dib ugu dhigay Ansixinta Wax ka beddelka Dastuurka ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa saxeexay xeer uu dib ugu dhigayo Ansixinta wax ka beddelka Dastuurka, isagoo cuskanaya in la galay xilligii doorashooyinka oo ay sii dhammaaneyso muddo xileedka Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya, ayna bilaabanayso muddo Xileedka Barlamaanka 11-aad.

Laakiin, Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in habka uu arrintaa Madaxweyne Farmaajo u raacay baal-marsan tahay Dastuurka iyo Sharciga u yaalla dalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Madaxweynuhu wuu diiday shirkii Wada-tashiga ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanku wada yeelan lahaayeen, ka dibna Digreeto soo saaray Maanta, markaa digreetadaasi wax qaanuun ah oo Dastuur ah oo awood Madaxweyne ah oo ay cuskan tahay ma jiro..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Farmaajo ku eedeeyay inuu caan ku yahay ku dhaqan la’aanta Dastuurka “Madaxweynuhu waa ilaaliyaha Dastuurka, laakiin weligiiba Dastuurka wuu dhinac mari jiray, markaa waxaan u soo jeedinayaa (Farmaajo) inuu Digreetadaa ka laabto.”

Xasan Sheekh wuxuu tilmaamay in Go’aanka uu Madaxweyne Farmaajo dib ugu dhigay Ansixinta wax ka beddelka Dastuurku la mid tahay in la laalay Dastuurka

Gabogabadii, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu Talooyin u soo jeediyey Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaanu farriin u diray shir-guddoonka iyo xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka, waxaanu u soo jeediyey inay isku yimaaddaan oo ay waajibkooda sharci gutaan ama Ummadda Soomaaliyeed ee ay Wakiilka u yihiin u caddeeyaan haddayna gudan karin waxa ka hor-taagan gudashada Waajibaadkooda.

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office