Madaxweyne Farmaajo Oo Dib U Dhigay Ansixinta Wax Ka Beddelka Dastuurka Soomaaliya

Muqdisho (Aftahan) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa saxeexay Xeer Madaxweyne oo dib u dhigaya ansixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka Ku meel Gaadhka ah.

Madaxweynaha ayaa Go’aankaas u qaatay Maaddaama oo la galay xilligii doorashooyinka oo ay sii dhammaaneyso muddada xil-haynta Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya, ayna bilaabanayso muddo Xileedka Barlamaanka 11-aad.

Mdaxweynaha oo ay weheliyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Raysal- Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, ayaa warbixin ka dhagaystay 23-kii bishan Diseembar Guddiga La socodka dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka, Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka taas oo ku saabsanayd arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka.

“Iyadoo aan waxba loo dhimeyn Qodobka 136-aad ee Dastuurka ku meel-gaadhka ah, Madaxweynuhu waxa uu dib-u-dhigay ansixinta dib-u-eegista Dastuurka, waxaanu Baarlamaanka 11-aad u gudbiyey qabyo qoraalka ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka, ansixiyeenna Guddiga La Socodka BFS, iyadoo ay la socoto warbixin faah-faahsan, hab-raaca ansaxinta Dastuurka KMG iyo qabyo-qoraalkii 3-aad ee Dastuurka KMG, si loo dhameystiro looguna ansixiyo muddada Xilhaynta Baarlamaanka 11aad.” Ayaa lagu sheegay Wareegtada uu Madaxweynuhu saxeexay

Xeerkan uu saxeexay Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaqan galay Maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka December, 2020, waxaana la baabi’iyey Sharciga iyo xeer kasto oo ka soo horjeedo arrinkan.

 

Aftahannews.com/Hargeisa Office