Xiisad ka taagan Muqdisho, Jadwal Doorasho oo la soo saaray iyo Mucaaradka oo ka soo horjeestay

Muqdisho (Aftahannews) — Waxaa magaalada Muqdisho ka taagan xiisad cakiran, kadib markii guddiga doorashada Soomaaliya ee lagu muransanyahay ay soo saareen jadwalka doorashooyinka heer Federaal.

Golaha Midowga Murashaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa cambaareeyey go’aankaasi ay soo saareen guddiga doorashada Soomaaliya.

Ciidamada Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa la wareegay agagaarka Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho, iyo sugidda amnigiisa, halkaasi.

Ciidamada oo sugayey ammaanka Musharaxiinta ayaa xidhay wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan eeriyada isgoyska KM4, waxaana gaadiid dagaal oo ay wateen la dhigay wadada aada dhanka garoonka diyaaradaha.

Ciidamada ayaa dadka iyo gaadiidka u diidayey inay isticmaalaan wadooyinka soo gala Hotelka.

Geesta kale, Qoraal kasoo baxay guddiga Doorashada Soomaaliya ayaa lagu yidhi “diiwaan gelinta tartamayaasha doorashada Aqalka Sare waxay billaabanaysa 26-ka December 2020, halka laga sugayo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada in liiska murashixiinta ay soo saaraan 29-ka December 2020, waxaana doorashada kuraasta golaha Aqalka Sare lagu soo dhammeystirayaa inta u dhaxaysa 31-ka December 2020 ilaa 6-da January 2021.”.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in 7-da January 2021 la guda galayo diiwaan gelinta, xaqiijinta iyo tababarista xubnaha odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee ka qeybgalaya xulista ergooyinka doorashada, sida ku qoran war-saxaafadeedka kasoo baxay.

Dhinaca kale, Midowga Musharaxiinta Soomaaliya, oo ah gole ay ku mideysan yihiin musharaxiinta mucaaradka, ayaa kasoo horjeestay tallaabada lagu soo saaray jadwalkan doorashada.

Qoraal ay Midowgu caawa kasoo saareen Muqdisho ayay ku yidhaahdeen “Goluhu wuxuu tillaabadan u arkaa billowgii boobka Doorashada heer qaran taasoo uu madaxweynuhu ugu badheedhayo abuuris xasarad siyaasadeed oo lagu burburinayo nidaamka dimoqraadiga oo udub dhaxaad u ah xasilooni siyaasadeed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

“Goluhu wuxuu uga digayaa madaxda Dowlad Goboleedyada in ay ku kadsoomaan qabashada doorashooyinka aan la isku raacsaneyn, kuwaasoo ay hubanti tahay in ay horseedayaan xasillooni darri ka dhalata deegaannada ay maamulaan oo ah kuwo u nugul xasillooni darrida,” ayuu qoraalka intaas ku daray.