Qaramada Midoobay oo baadhitaan ka sameynaysa gobolka Tigray

Mekelle (Aftahannews) — Qaramada Midoobay ayaa ku dadaaleysaa in ay koox ka socota ay tagaan gobolka Tigray, si ay u baadhaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee la sheegay oo ay ka mid yihiin dil wadareed ka dhacay gobolkaasi, kaasi oo ay madaxa xuquuqda aadanaha ee QM ku tilmaantay mid ka mid ah xadgudubyada badan ee xuquuqda aadanaha ee “argagaxa leh,” kuwaasi oo noqon kara dambiyo dagaal.

Ciidanka Itoobiya ayaa muddo ka badan lix toddobaad kula dagaallamayay xoogagga gadoodsan ee TPLF gobolka waqooyiga ku yaalla ee Tigray, dagaalkaasi oo barakiciyay dad ku dhow 950,000 oo qof.

In shaqaalaha samafalku ay tagaan gobolka ayaa illaa iyo maalmihii la soo dhaafay ahayd mid aan suurtagal aheyn, iyadoo shaqaalaha xuquuqda ay haatan raadinayaan inay tagaan gobolka, si ay u xaqiijiyaan wararka la xidhiidha xad-gudubyada.

“Haddii dad rayid ah ay si ula kac ah uu dhinac ama labada dhinac ee dagaalamaya u dileen, dilalkaasi waxa ay la mid noqonayaan dembiyo dagaal, waxaana loo baahan yahay inay jiraan, sidaan horeba ugu nuuxnuuxsaday, baadhitaanno madax-bannaan, eex la’aan ah, dhammaystiran oo hufan si loo helo isla-xisaabtan iyo xaqiijinta caddaaladda,” ayay tidhi Michelle Bachelet oo ah madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Dhacdooyinka ay xustay waxaa ka mid ahaa dil la sheegay in 9-kii November dhowr boqol oo qof, oo u badnaa qowmiyadda Amxaarada, lagu dilay magaalada ku taalla waqooyi galbeed ee Mai Kadra.