Ma Dhabbaa in Madaxweyne Biixi Safar heer-sare ah ku tagayo Jabuuti?

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI 2020
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI 2020

Hargeysa (Aftahannews) — Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maalmaha soo socda u safraya dalka Jabuuti, Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ka tirsan xukuumada.

Lama shaacin ujeedka rasmiga ah ee safarka Madaxweyne Muuse Biixi ee Jabuuti.

Madaxweyne Biixi ayaa bishii Juun ee sannadkan Jabuuti u tagay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Booqashadan ayaa timid maalmo kadib markii la soo xidhay shirkii 38aad ee caadiga ahaa ee IGAD halkaas oo ay ku kulmeen hogaamiyaasha Kenya, Itoobiya, Suudaan, Jabuuti, iyo Soomaaliya waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, dagaalka Tigreega, muranka soohdinta ee u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan iyo wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland.

War-murtiyeedka la sii daayay ka dib markii la soo gabagabeeyay shirkii 38aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu bogaadiyay “dib u bilaabashada wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana lagu bogaadiyay doorka hoggaamiyeyaasha gobollada iyo gobolka ee martigelinta iyo fududeynta wadahadal.

In kasta oo aanay dawladda Somaliland si rasmi ah uga bixin wada-hadallada ay kula jirto Soomaaliya haddana wadahadalladu way istaageen oo kooxaha farsamadu kuma shiraan Jabuuti.

Marar badan ayay Somaliland ku eedeysay Soomaaliya in aanay si daacadnimo ah ugu dhaqmin wadahadalka labada dal.

Ma cadda in booqashada Madaxweyne Biixi ay la xidhiidho shirkii IGAD ee dhammaaday, dib u bilaabidda wadahadalladii hakadka ku galay ee Somaliland iyo Soomaaliya, ama haddii booqashadu muujineyso isbeddel ku yimid aragtida Jabuuti ee ku aaddan Somaliland marka loo eego dadaalka diblomaasiyadeed ee ay ku leedahay Afrika iyo xidhiidhka sii kululaanaya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.