Maraykanka oo xeebaha Soomaaliya geeyay 2500 kamid ah ciidamadeeda badda

ciidamada badda ee Maraykanka
ciidamada badda ee Maraykanka

Muqdisho (Aftahannews) – Dowladda Mareykanka ayaa illaa 2500 kamid ah ciidamadeeda badda ah geysay xeebta Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan daabulka 800 oo askari uu Maraykanka kala baxayo Soomaaliya, taliska Maraykanka Afrika  ayaa sheegay Talaadadii maanta.

Taliska Maraykanka ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in tiro yar oo ciidamo ah ay kusii nagaanayaan gudaha Soomaaliya, si ay u ilaaliyaan joogitaanka diblomaasiyiinta Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.

Saraakiisha difaaca Mareykanka ayaa soo wariyay in diyaaraddo iyo maraakiibta gantaalada xambaara ay ku sugan yihiin xeebaha Soomaaliya si ay u ilaaliyaan howlgalka bixitaanka ciidamada Maraykanka.

ciidamadeeda badda ee Maraykanka
ciidamada badda ee Maraykanka

” Tani waa tusaale weyn oo ah sida Mareykanku si dhakhso leh ugu awoodo inuu ka jawaabo arrimaha nuucaan oo kale ah, ” Anderson, oo ah taliyaha howlgalada gaarka ah-Afrika, ayaa ku sheegay warka AFRICOM kasoo baxay.

Ciidamada ka baxay Soomaaliya ayaa dib loogu daad gureeyay wadamada deriska si ay diyaar ugu noqdaan howlgalada la dagaalanka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee xidhiidhka la leh Al-Qaacida, sida uu sheegay Gen. Stephen Townsend, taliyaha AFRICOM.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.