Puntland oo fashilisay qaraxyo lala maaganaa Magaalada Boosaaso (SAWIRRO)

Boosaaso (Aftahannews) – Taliska Booliska gobolka Bari ayaa sheegay in ay fashiliyeen Qarax la dhigay mid kamid ah xaafadaha Boosaaso iyo Rasaas iyo Waxyabaha Laga Sameeyo Qaraxyada oo lagu diyaarinayay magaalada Boosaaso.

Taliyaha Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay tallabadaan lagu fashiliyay qaraxyada in ay qeyb ahaayeen howgalo wadajir ah oo ciidamada kula dagaalamayeen amni xumada.

Taliyuhu wuxuu sheegay in uu socdo howlgal guri guri loogu baadhayo, si loo xoojiyo ammaanka Boosaaso, wuxuuna shegay intii howgalkaas lagu jiray in ciiddanku heleen qaraxyo iyo rasaas meelo lagu qariyay.

Wuxuu u mahad celiyay shacabka oo kaalin ka qaatay sidii laamaha amniga loogu soo sheegi lahaa xogaha la xidhiidha khatarta amniga iyo falalka ay maleegayaan kooxaha Alshabab iyo Daacish.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Boosaaso/Puntland.