Warbaahinta Kenya oo qortay in Soomaaliya ku fashilantay in Kenya lagu canaanto shirka IGAD

Shirka madaxda urur Goboleedka IGAD
Shirka madaxda urur Goboleedka IGAD

Nairobi (Aftahannews) – Warbaahinta Kenya ayaa qortay in Soomaaliya ay ku fashilantay Isku daygii ahaa in Kenya lagu canaanto shirkii  urur goboleedka IGAD.

War murtiyeedkii kasoo baxay shirkii urur goboleedka IGAD laguma xusin wax ku saabsan ashtakadii Soomaaliya ay ka gudbisay dowladda Kenya ee ahayd in ay faro galin ku hayso midnimada iyo madax banaanida.

Dowladdaha ku shiray magaalada Jabuuti ayaa waxay weydiisteen Soomaaliya inay diirada saarto jadwalka doorashooyinka iyo sidoo kale barnaamijyada dib u heshiisiinta iyo amniga dalka.

Shirka madaxda urur Goboleedka IGAD
Shirka madaxda urur Goboleedka IGAD

Soomaaliya ayaa dalbatay in koox madaxbanaan oo ka socota IGAD loo diro xadka ay wadaagaan labada dal, halkaas oo ay Soomaaliya ku eedeysay in Kenya ay gacan siiso jabhad, inkastoo eedeyntaas ay Nairobi beenisay.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha IGAD ay ku cadaadiyeen Soomaaliya in lagu xalliyo arrinta Kenya wadahadal iyo is afgarad.

Wasiirka wuuxuu sheegay tallaabada ugu horreysa in ay noqon doonto xasilinta xaaladda iyo xiisadda labada dal.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.