Baro Diintaada: Barnaamij Daaha Ka Fayday Xoggo Qarsoonna. Qora: Cabdifataax Shaafi

Barashada Diinta islaamku waa waajib inna saaran dhamaanteen. Si aynnu u wanaajino xidhiidhka aynnu la leenahay Ilaahay, una fahano u jeedada adduunyada la innoo keenay, maadaama aynnu nahay ummad Islaam ah (Boqolkiiba boqol).

Arrintani waxay u baahan-tahay dedaal iyo feejignaan dheeriya si looga badbaado haddimooyinka qarsoon ee dunidan aynnu ku noolahay ee casriga ah, taas oo aad moodo In ay laac been ah u tuureyso dadka Islaamka ah, oo aan waqtigan laheyn awood ay isaga celiso dhibaatadan soo kordheysa xag-dowladeed iyo xag- maskaxeedba. Marka laga reebo dad tiro yar oo iyagu fahansan waacaqa jira, laakiin ay ku adkaatay in ay helaan dad u garaaba, arrintani waxay keentay in dadka ku abtirsada islaanimadu ay marayaan waqtigii ay ugu mooganaayeen diinntooda iyagoo ku asqoobay hab-maskaxeedka cusub ee dunnida, taas oo bedeshay guumeysigii awooda isu-dhiibka ee waqtiyadii hore.

Marka aynnu eegno Soomaalida iyo Aqoonta ay u leeyihiin Diinta waqtigan aynnu joogno, dad badanni waxay qabaan in Soomaalidu ay mareyso xiligii ay ugu fiicneyd ee xagga Barashada iyo Cibaadda in ay hadda tahay, laakiin waxaa iyana marag ma doona ah in badi ummada Soomaalidu ay u baahan yihiin in ay kordhiyaan Aqoonta iyo Barashada diinta islaamka. Dadka kale ayaa iyaguna aan  la dhacsanayn waqtiga ay mareyso iyagoo aad uga walaacsan dunnida casriga ah ee ay Soomaalida ku cusubtay taasi soo kordhisay Soomaali badan oo lagu arkay waxyaabo badan oo khilaafsan diinteena iyo dhaqankeenaba kuwaas oo leh saameyntooda taban ee bulshadan curdinka ah.

Marka aynnu u soo daadegno mawduuca aan ciwaankiisa xagga sare ku soo sheegay oo ah barnaamij la xidhiidha barashada diinteena macaan. Barmaamijka oo loogu wanqalay magaca (Baro Diintaada).

Dhalinyaraddan bilaabay barro-diintaadda ayaa sameeyey dadaalo ay dadka ku waydiinayaan su’aalo la xidhiidha diinta. Barnaamijkan barro-diintaadda ayaa ah barnaamij kor loogu soo qaadayo diinta islaamka iyo heerka dadku ka marayaan barashadda diintoodda islaamka ah.

Barnaamijkan ayaa toosha ku iftiiyey sidda dhallinyaradda wadanku uga aradan-yihiin aqoonta diinta. Barnaamijkan barro diintaadda ayaa ah barnaamijka tacab iyo juhdi lagu galiyey siddii dhallinyaradda loo barri lahaa diintoodda macaan.Dhawr xalqadood oo aan ka daawaday barnaamijka waxa iiga baxay cilmi iyo aqoon kororsi diimeed oo naftayda iyo dadkii kale ee daawadday  faa’ido galisay.

Sidda aynnu la wada socono bulshadeennu waxay noqotay bulsho sida dadyowga caalamka oo kale aad u isticmaasha baraha bulshada oo ay hadheysay waxyaabo badan oo aan dhaqankeenna u wanaagsaneyn, waxa aynnu maalin walba aragnaa barnaamijyo badan oo aan dhaqan ahaan u wanaagsaneyn kuwaas oo soo noqnoqda. Islamarkaan u baahan in wax laga qabto si loo badbaadiyo dhaqankeena soo jireenka ah iyo diinteena macaanka iyo naxariistu ku dheehantahay.

Ugu dembeyn waxaan naftaydda iyo nafihiin ku baraarujinayaa in aynnu kordhino oo aynnu ku dedaalo barashada diinteena, taas oo ah badbaadada if iyo aakhiraba iyo jiritaankeena dadnimo.