Itoobiya: Qarax Ka Dhacay Caasimadda Addis Ababa

Addis Ababa (Aftahan) – Saddex qof ayaa Axadda Maanta ah ku dhimatay markii bambo meel lagaga tagay ay ku qaraxday caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa, sida ay ku warameyso wakaaladda wararka ee dowladda.

Wakaaladda ayaa warisay in qaraxu uu ka dhacay deegaanka Lideta oo u dhow badhtamaha caasimadda, iyadoo intaa ku dartay in qaraxa ay ku dhinteen saddex qof ayna ku dhaawacmeen shan kale.

Qaraxa ayaa dhacay xilli uu gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi muddo lix toddobaad ah ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada federaalka iyo ururla TPLF, laakiin ma jirto wax tilmaamaya in uu xidhiidh ka dhexeeyo qaraxa iyo colaadda gobolkaasi.

“Waxaa socda baadhitaan la xidhiidha qaraxa, shacabkana waa lala wadaagi doonaa marka uu baadhitaanku dhamaado,” ayay wakaaladdu warisay.

Tan iyo markii xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay 4-tii November duullaanka ku qaadday gobolka waqooyiga ku yaalla ee Tigray, waxaa jiray dhowr qarax oo yar yar oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Booliska federaalka ayaa ku eedeeyay qaraxyada qaar kooxda TPLF, laakiin ma ayna keenin caddeymo ay ku taageerayaan sheegashadooda.

Aftahannews.Com/Hargeisa OffiCe