Tirada Dhimashada ee Qarixii Gaalkacyo oo Korodhay

Gaalkacyo (Aftahannews)- Tirada dadka ku dhintay qarixii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa gaadhay 21 qof oo dhimasho ah.

Qaraxa ayaa dadka ku geeriyooday waxa ay isugu jiraan taliyeyaal iyo saraakiil ka tirsanaa ciidanka dowladda iyo dad rayid ah.

Waxaa magaalada Gaalkacyo maanta lagu aasay saraakiishii ku geeriyootay qarixii shalay ka dhacay magaalada, iyadoo ay aaska ka qeybgaleen madax uu ka mid ahaayeen Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Qoorqoor.

Hoos ka dhagayso wararkii ugu danbeeyay ee qaraxa Gaalkacyo