Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga Wasiirka Arrimaha Dibedda Malawi Maxay ka Wadahadleen?

Hargeysa (Atahannews)- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Malawi Eisenhower Nduwa Mkaka, ayaa lagu soo dhaweeyey caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagaga warramay ujeeddada Waftiga Malawi iyo waxay madaxda Somaliland, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxaanu u dhignaa sidatan;

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay wefti uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Malawi, Mudane Eisenhower Nduwa Mkaka oo safar shaqo ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Malawi oo ah laba dal oo isku taariikh ah, oo ay ka wada tirsanaayeen maxmiyadii Ingiriiska oo labada dalba xukumi jirtay, madax-bannaanidoodana ay ka kala qaateen 26-June-1960 oo ay Somaliland ka heshay xornimadeeda Boqortooyadii Ingiriiska, halka Malawina ay ka heshay 06-July-1964kii. Sidoo kale, waxa kulanka lagu lafo-guray sidii ay labada dawladood u samaysan lahaayeen xidhiidh qoto dheer oo walaaltinimo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu weftiga warbixin guud ka siiyey horumarka iyo isku tashiga dawladda iyo shacbigeedu ay halkan ku soo gaadheen, isagoo xusay in shacbiga Somaliland aanu Afrika iyo caalamka toona ka helin wixii ay xaqa u lahaayeen oo ah aqoonsi buuxa, madaama ay buuxiyeen shuruudihii dawladnimo ee looga baahna.

Dhinaciisa,  wasiirka arrimaha dibedda ee Malawi waxa uu madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqay sida milgaha iyo sharafta leh ee dalka loogu soo dhaweeyey, waxaanu madaxweynaha soo gaadhsiiyey salaan uu uga siday madaxweynaha dalka Malawi.

Kulankaa waxa madaxweynaha ku wehelinaayey, madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirrada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, arrimaha gudaha, horumarinta maaliyadda, iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhinaca weftigana waxa wasiirka ku wehelinaayey la-taliyaha madaxweynaha Malawi, Mr. Martin Tom iyo William Bambi oo ka tirsan waaxda arimaha dibada ee Afrika iyo Bariga Dhexe ee Malawi.

Ugu dambayn waxa ay weftigu muddada ay dalka ku sugan yihiin la kulmi doonaan qaybaha kala duwan ee dawladda, iyaga oo u kuurgelaya hannaanka ay Somaliland ku horumartay iyo Dimuqraaddiyadda ka jirta.” Sidaa ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka madaxtooyada Somaliland ka soo baxay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.