Madaxda Dalalka Yurub oo Marxalad Adag Waajahaya iyo Korodhka Xaaladda Covid-19

MADAXDA MIDAWGA YURUB OO MARXALAD ADAG WAJAHAYA KIISASKA COVID-19 2020
MADAXDA MIDAWGA YURUB OO MARXALAD ADAG WAJAHAYA KIISASKA COVID-19 2020

Yurub(Aftahannews):- Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka Yurub, ayaa is karantiilaya kaddib markii Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo xubno kaleba, laga helay Xannuunka Covid-19.

MADAXDA MIDAWGA YURUB OO MARXALAD ADAG WAJAHAYA KIISASKA COVID-19 2020
MADAXDA MIDAWGA YURUB OO MARXALAD ADAG WAJAHAYA KIISASKA COVID-19 2020

Mr Macron, oo 42 sano jir ah, ayaa is karantiili doona muddo toddoba maalmood ah, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Elysée Palace. Madaxweynaha Faransiiska ayaa maalmihii la soo dhaafay ka qeyb galay dhowr kulamo oo heer sare ah, oo uu ku jiro kulankii Midowga Yurub.

Kaddib markii laga helay, dhowr kale oo hoggaamiyeyaasha Yurub ah, oo uu ku jiro Ra`iisul Wasaaraha Spain, ayaa sheegay inay is karantiili doonaan. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa maanta laga helay Covid-19,” Aqalka Elysée ayaa sidaas sheegay subaxnimadii shalay.

Xaaska madaxweynaha Faransiiska Brigitte Macron, oo 67 jir ah, ayaa is karantiileysa balse lagama helin wax calaamado ah. Weli lama oga sida Mr Macron uu ugu dhacay fayraska balse isagoo xafiiskiisa ku sugan ayuu sheegay inuu kala ogaanayo cidda uu si dhow ula kulmay.

Madaxweyne Macron ayaa Salaasadii todobaadkan martigeliyay madaxda guddiyada baarlamaanka Faransiiska, Isniintiina wuxuu martigeliyay xubno ka tirsan Urur Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarka ee OECD oo ay ku midoobeen dalalka horumaray ee dunida oo badankoodu ka tirsan yihiin Qaaradda Yurub.

Toddobaadkii la soo dhaafay, isaga iyo inta badan hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub, ayaa shir uga qeyb galay Brussels.

Yaa kale ee u baahan inuu Karantiil galo

Dadka kale ee is karantiilaya waxaa ka mid ah madaxa Golaha Yurub Charles Michel, Ra`iisul Wasaaraha Spain Pedro Sánchez iyo Xoghayaha Guud ee OECD Angel Gurría, oo dhammaantood toddobaadkan la kulmay Madaxweyne Macron.

Mr Sanchez ayaa laga waayay fayraska, balse sida Mr Macron, gurigiisa ayuu ka soo shaqeyn doonaa isagoo karantiil ku jira.

Ra`iisul Wasaaraha dalka Burtuqaal António Costa, oo 59 jir ah, ayaa baajiyay dhammaan safarradii rasmiga ahaa, isaga oo is karantiilaya isla markaana sugaya natiijada, kaddib markii uu Arbacadii Paris kula qadeeyay Madaxweyne Macron.

Ra`iisul Wasaaraha Biljamka Alexander De Croo iyo Ra`iisul-wasaaraha Luxembourg Xavier Bettel, ayaa sidoo kale is karantiilaya kaddib markii ay la kulmeen madaxweynaha Faransiiska.

Warsaxaafadeed uu Mr Bettel soo saaray ayuu Mr Macron ugu rajeeyay “ka soo kabasho degdeg ah”. Ra`iisul Wasaaraha Ireland Micheál Martin ayaa laga waayay Covid-19 balse wuu yareyn doonaa kulamada, sida uu sheegay afhayeen u hadlay.

Ra`iisul-wasaaraha Faransiiska Jean Castex, oo 55 jir ah, iyo afhayeen baarlamaani ah oo lagu magacaabo Richard Ferrand, oo 58 jir ah, ayaa sidoo kale is karantiilaya.

Xigasho BBCSomali.