Tirada iyo Magacyada Masuuliyiin lagu Dilay Qarax loo Diyaariyey Raysal-wasaaraha Soomaaliya

Gaalkacyo(aftahannews):- Allaah ha u naxariistee Taliyihii qeybta 21aad ee ciiddanka xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Cabdicasiis Cabdillaahi (Qooje), Masuuliyiin iyo Saraakiil kale, ayaa u geeriyooday Qarax ismiidaamin ah oo galabta ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Galmudug.

Taliyaha la dilay Cabdicasiis Cabdillaahi (Qooje)
Taliyaha la dilay Cabdicasiis Cabdillaahi (Qooje)

Taliyaha iyo Saraakiil kale oo uu ka mid ahaa Taliyihii ciiddanka Danab ee gobolka Mudug, Gaashaanle sare Muqtaar Cabdi Aadan iyo Saraakiil kale, ayaa la xaqijiyay in ay ka mid ahaayeen dadkii ku geeriyooday qaraxa.

Qaraxa, ayaa lala eegtay garoonka Kubadda Cagta ee Cabdullaahi Ciise ee ku yaalla dhinaca Koonfureed ee magaalada, halkaas oo la sheegay in uu ku wajahnaa Ra’isul-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafti uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho ku joogay deegaannada gobollada Galmudug iyo Galguduud.

Dadka ku dhintay qaraxan, oo la rumeysan yahay inuu fuliyay Qof walxaha qarxa isku soo xidhay, waxaa ka mid ah:-

1- Taliyihii qeybta 21-aad ee milatariga xoogga Soomaaliya, Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari). 2- Taliyiyihii Ciidamada danab, qeybta Galmudug, Korneyl Muqtaar Cabdi Aadan. 3- Taliye ku xigeenkii ciidanka danab, qeybta Galmudug, Dhamme C/raxmaan Mire Cali. 4– Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo- Qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).

Taliiye Qooje, ayaa ku geeriyooday isbitaal kuyaala waqooyiga Gaalkacyo halkaas oo la geeyay isagoo dhaawac culus ah, sida ay sheegeen Dad ku sugan magaalada Gaalkacyo iyo Masuuliyiin dowladeed.

Masuuliyiinta kale ee geeridooda la xaqiijiyay waxaa ka mid ah Taliye ku-xigeenkii ciiddanka ee Galmudug iyo Duqii hore ee degmada Gaalkacyo, Maxamuud Yaasiin Tumey oo kamid ahaa dadkii hormuudka u ahaa nabada Gaalkacyo.

Saraakiishan ayuu qaraxa ismiidaaminta ku helay iyagoo ku sugnaa irida hore ee garoonka kubada cagta Cabdullaahi Ciise, halkaas oo uu lagu sugayay raysal wasaaraha Soomaaliya oo kasoo safrayay magaalada Cadaado.

Qaraxayada sidan oo kale lagu bartilmaameedsado Masuuliyiinta dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada Soomaaliya iyo weliba Dadka Shacabka ah iyo ciidammada, ayaa  la aaminsan yahay inay geysato Kooxda Al-Shabaab, oo intooda badan masuuliyaddooda iyadu sheegata iyo kuwo ay ka aamustaba.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.