Halgamaa u Ololeeya Xuquuqda Naafada oo Baaq Culus u Diray Dowladda Somaliland, Kana Hadlay Caqabadaha Jira

Filed under: Wararka |

Hargeysa(aftahannews):- Maxamed Cabdi Wabax oo u ololeeya dadka baahiyaha gaarka ah la ee Naafada loogu yeedho, isla markaana isaga laftiisu aragga naafo ka ah, ayaa ka hadlay caqabadaha Dadka aan laxaadkoodu dhamayni kala kulmaan goobaha muhiimka ah ee Xafiisyada, meheradaha, caafimaadka iyo waxbarashada ee dalka Somaliland iyo sida loogu baahan yahay hirgelinta Xeerka Siyaasadda Naafada oo wax badani kaga xidhan yihiin la’aantiisa.

herernews@gmail.com

Maxamed Abdi Wabax

Maxamed Cabdi Wabax, oo maanta Warbaahinta qaarkeed kula hadlay Hargeysa waxa kale oo uu ka warramay sida bulshadu ula dhaqanto Naafada, doorkooda siyaasadeed ee ka maqan golayaasha siyaasadda lagu dejiyo iyo waxbarashada dadka aragga naafada ka ah.

“Caqabadaha Naafadu wax mid iyo laba lagu soo koobi karo maaha. Markaynu Naafada ka hadlayno, erayga Naafo, ayaa guud ahaanba sidiisa Caqabad ah, waayo waxay kelmadda Naafo ka dhigantay (ma jiro). Markaa, Dadka ay Laxaadkooda wax ka dhiman yihiin, sida Lugaha, Indhaha, Dhegaha Gacmaha, dhimirka iyo wixii soo raaca, Caqabadaha haysta nooca naafada ayey ku xidhan yihiin, markaynu kala horreysiinno waxaa ka mid ah, Waddooyinka, gelitaanka Guryaha, Xafiisyada, Dhakhtarrada, goobaha Waxbarashada iyo goobaha la marayo oo dhan.” sidaa ayuu yidhi Maxamed.

Wabax mar uu ka hadlayey Usha cad ee ay qaataan Dadka aragga naafada ka ah ee Dunidu, waxa uu yidhi; “ Tusaale ahaan Anigu Nin aragga Naafo ka ah baan ahay, una ololeeya dadka aan laxaadkoodu dhammayn, markaa waxaannu leenahay Ul cad oo u gaar ah qofka aan indhaha wax ka arkaynin dunida, marka uu Qofku ushaas sito caalamka waddada waa loo banneeyaa, gaadhigu wuu ka istaagayaa, dadku way ka baydhayaan. Laakiin, dadkeennu uma bisla hadda oo ushaa qofka sita inuu ku xarragoonayo ayaabay in badani u haystaan.”

“Qofka lugaha naafada ka ah dalkeenna ma awoodo inuu xafiis ku galo gaadhiga lagu riixo ama ay kaxaystaan ee u gaarka ah, biraha ay ku boodaan Xafiisyada, Iskuullada, Dhakhtarrada iyo goobaha muhiimka ah kuma geli karaan kuwo gaar ah iyo kuwo dowli ah toona. Dhegoolayaashu Dadka isma afgaranayaan inta badan. Markaa, guud ahaan xuquuqda aasaasiga ah ee ay ka midka yihiin inuu Qofku wax doorto iyo in la doorto, iyadana awood uma laha dadkeenna naafada ahi. Markaa, waa in xal loo helaa arrimahaas oo dhan.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cabdi Wabax.

Waxa uu lafteeda caqabad ku tilmaamay Wabax in goobo gaar ah oo ay wax ku bartaan loo sameeyo Dadka aragga naafada ka ah iyo kuwa maqalka naafada ka ah, waxaanu yidhi; “Hal Iskuul oo Dadka aragga naafada ka ah u gaar ah baa ka jira Hargeysa iyo mid Dadka maqalka naafada ka ah. Markaa, in Iskuul gaar ah loo sameeyo oo la yidhaahdo waa Iskuulkii dhegoolayaasha iyo Iskuulkii indhoolayaasha, arriintaa lafteedu waa faquuq oo waa caqabad, oo Dugsiyada dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay midna ma dhex-tagaan, nidaamkii wax loo bari lahaana waa maqan yahay, markaa waxa jira faquuq aannu leenahay hallaga fogaado oo xal u baahan.”

Mar uu Maxamed Cabdi ka jawaabayey halka ay ku dambaysay Xeerka Siyaasadda Naafada oo sannado ka hor la sameeyey iyo haddii Xeerka Naafada Somaliland la hirgeliyo waxa uu u soo kordhin karo dadka baahiyaha gaarka ah la nool, waxa uu ku jawaabay; “Siyaasadda markaannu ka ololaynay golaha Wasiirrada ayaa la geeyey. Laakiin, nasiib-darro golaha wakiilladana looma soo gudbin..” Wabax, waxa uu intaas ku daray; “Waxay ka tari lahayd wax badan. Siyaasadda marka la fuliyo, qofka naafada ahi waxa uu awood u yeelan lahaa in la doorto, waxna doortaan, wuxuu marin u heli lahaa inuu tago golayaasha siyaasadda lagu gooyo.”

“Markaa, dhibaatada jirta waxaynu xidhannay Shaadh laba Rinji midab leh oo mid Qabiil iyo mid dowladeed, sidaas awgeed Qabiilku inuu Qof naafo ah soo sharraxo ma oggola. Laakiin, haddii siyaasaddaas la ansixiyo oo xeer laga dhigi lahaa wuxuu siin lahaa doorkooda saxda ah. Dadka naafada ah. Sharci marka la helo ee lagu dhaqmo ayey dadku sinnaan karaan oo xuquuq siman heli karaan. Markaa, meelaha nagu bannaan waxaa noogu sabab ah siyaasadda aan la hirgelin iyo xeer la’aanta weeye, Ciddii Xeerka ka tallaabsatana waxaannu awood u yeelan lahayn in Hay’adaha ku shaqada leh ee dowliga ahi tallaabo ka qaadaan.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed.

Maxamed Cabdi Wabax, waxa uu soo jeediyey in dhammaan qodobbada kala duwan ee uu ka soo hadlay wax laga qabto, isla markaana Xeerarka iyo siyaasadda ka hortegi lahaa in lagu tacaddiyo qof kasta oo Naafo ah, kuna heli karaan xaq kasta oo ka maqan oo aasaasi ah iyo ilaalinta duruufohooda gaarka ahba, laguna daro siyaasadaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, si qabyada dhan kasta leh ee Naafada haysata xal loogu helo. Sidoo kale, Wabax waxa uu u soo jeediyey in dedaal wada-jir ah la qaado oo dawladda, ururrada bulshada, ururrada dadka naafada ah, hay’daha caawimada, iyo bulshada guud ahaan, si isbeddel dhaxalgal ahi u suurto-galo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login