Soomaaliya oo xidhiidhka u jartay Kenya

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO KENYA FARMAAJO IYO KENYATTA 2018

Muqdisho (Aftahannews)- Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday inay xidhiidhkii diblomaasi u jartay Kenya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo war qoraal ah ka akhriyey telefiishanka qaranka ayaa sheegay in go’aanka ay gaadhay dawladda Soomaaliya si ay uga jawaabto xadgudubyada siyaasadeed iyo faragelinta qaawan ee Kenya ku hayso madaxbannaanida Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirku.

Waxa uu sheegay wasiirku in Soomaaliya ay dib ula soo laabanayso diblomaasiyiinteeda jooga Nairobi, waxayna ku amartay diblomaasiyiinta ka jooga Kenya Soomaaliya inay dalka kaga baxaan toddoba maalmood oo ka bilaabata 15-ka Decembar.

Soomaaliya ayaa 29-kii Novembar ku eedaysay Kenya inay faragelin siyaasadeed ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyo inay cadaadisay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe si uusan u fulin heshiiskii ay gaareen madaxda dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada Soomaaliya.

Dawladda Kenya waa ay beenisay eedaynta dawladda Soomaaliya, waxayna sheegtay unaysan wargelin rasmi ah ka helin Soomaaliya. Kenya waxay sidoo kale sheegtay inay ixtiraamayso madaxbannaanida waddamada caalamka gaar ahaan kuwa Afrika.

Sidoo kale, eedayntaas waxaa beeniyey maamul goboleedka Jubaland.

Soomaaliya waxay sheegtay in kulan ay iskugu iman doonaan madaxda IGAD 20-ka bishan Diisambar kaasi oo lagu qaban doono dalka Jabuuti taasina ay jawaab u ahayd cabaqasho ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya.

Kenya weli kama jawaabin tallaabadan ay qaadday Soomaaliya.