Raysal-wasaare Rooble Muxuu kala Ambabaxay Maamulka Puntland iyo Madaxdiisa?

RAYSAL-WASAARE ROOBLE OO PUNTLAND IYO DANI MUXUU KALA NOQDAY 2020
RAYSAL-WASAARE ROOBLE OO PUNTLAND IYO DANI MUXUU KALA NOQDAY 2020

Garoowe(aftahannews):- Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Gen. Mohamed Abshir Airport ee Garoowe ku sagootiyey Ra’iisul Wasaaraha DFS Maxamed Xuseen Rooble.

RAYSAL-WASAARE ROOBLE OO PUNTLAND IYO DANI MUXUU KALA NOQDAY 2020
RAYSAL-WASAARE ROOBLE OO PUNTLAND IYO DANI MUXUU KALA NOQDAY 2020

Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa soo gabagabeeyay socdaal qaatay dhowr cishe oo ay ku joogeen magaalada Garowe, iyagoo u tagay in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee arrimaha doorashada.

Raysal Wasaraha oo markii hore lagu waday inuu safar dhulka ah kaga ambo baxo magaalada Garowe, ayaa ka baaqsaday, waxaana isaga iyo wafdigiisa ay duulimaad toos ah ugu ambo baxeen Galmudug.

Raysal wasaaraha ayaa hadal kooban oo uu jeediyay sheegay, in inta badan ay guulo ka gaareen arrimihii uu u yimid Garowe oo ay kamid yihiin, dhinacyada waxbarashada, caddaalada iyo dastuurka, balse ma xusin qodobadii lagu heshiin waayay.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheeegayaa in aan meel wacan islasoo gaarnay oo inta noo dhiman aan mardhow dhamestirayno. Waxaan leeyahay waa la doogsan ee yaan la dacaroon,” ayuu yiri raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Raysal Wasaraha ayaa tegidoona Galmudug, halkaas oo uu kula ballansan yahay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.