Nairobi: Wasiir Faratoon Muxuu ka yidhi Kulammada u Qorshaysan Waftiga Madaxweynaha Somaliland?

KULANKA MADAXDA KENYA IYO SOMALILAND EE NAIROBI 2020
KULANKA MADAXDA KENYA IYO SOMALILAND EE NAIROBI 2020

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyey kulan maanta Nairobi ku dhex-maray Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Kenya Muuse Biixi iyo Uhuru Kenyatta iyo kulammada xigi doona.

KULANKA MADAXDA KENYA IYO SOMALILAND EE NAIROBI 2020
KULANKA MADAXDA KENYA IYO SOMALILAND EE NAIROBI 2020

Wasiir Faratoon, waxa uu sheegay in Waftiga Madaxweyne Biixi ee Nairobi ku sugani kulammada uga bilaabmay dalka Kenya sii wadi doono illaa maalinta Salaasada ee Berri, sidoo kalena la kulmi doonaan darafyo kala duwan oo dowladda dalkaas ka mid ah iyo weliba Jaaliyadda Somaliland ee Nairobi deggan.

Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland oo Warbaahinta kula hadlay Nairobi kulanka labada Madaxweyne ka dib, waxaannu hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.