Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Kenya Maxay kaga Wadahadleen Kulankoodii koowaad ee Maanta?

MADAXWEYNEYAASHA KENYA IYO SOMALILAND UHURU KENYATTA IYO MUUSE BIIXI 2020.jpg
MADAXWEYNEYAASHA KENYA IYO SOMALILAND UHURU KENYATTA IYO MUUSE BIIXI 2020.jpg
Nairobi(aftahannews):- Madaxweyneyaasha dalalka Somaliland iyo Kenya iyo Masuuliyiin Xukuumadohooda ka kala tirsan, ayaa Isniintii maanta kulankoodii ugu horreeyey ku yeeshay xarunta madaxtooyada Kenya ee magaalada Nairobi, waxaanay ka wadahadleen xoojinta xidhiidhka labada dal iyo qodobbo kale.
MADAXWEYNEYAASHA KENYA IYO SOMALILAND UHURU KENYATTA IYO MUUSE BIIXI 2020.jpg
MADAXWEYNEYAASHA KENYA IYO SOMALILAND UHURU KENYATTA IYO MUUSE BIIXI 2020.jpg

War-saxaafadeed qoraal ah oo uu soo saaray Afhyeenka Madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ayuu si kooban ugaga hadlay kulanka Waftiga Madaxweyne Biixi iyo Madaxweynaha Kenya ku dhex-maray Nairobi iyo qodobbada ay ka wadahadleen. Nuqul ka mid ah Warsaxaafadeedkaas oo soo gaadhay Warbaahinta aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha dalka Kenya mudane Uhuru kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi ku marti-qaaday weftigii ka socday Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaaminayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalintii labaad ku sugan dalka Kenya.
Kulankaas oo ahaa mid laba geesood ah oo u dhaxeeyey Madaxweynaha Kenya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ay weheliyaan weftigiisii booqashada ku joogay dalka Kenya, labada madaxweyne waxay kaga wada hadleen qodobo dhawr ah oo u badan danaha labada dal ee Kenya iyo Somaliland sidii loo xoojin lahaa.
Waxaana la isla meel dhigay in labada wafti ay iskugu yimaadaan kulan labaad maalinta berri oo Salaasa ah taariikhduna tahay 15-ka December 2020, si loo dhammaystiro qodobada labada Madaxweyne ka wada hadleen maanta. Allaa Mahad Leh.” sidaa ayaa lagu yidhi Warkan qoraalka ah ee uu ku saxeexnaa afhayeenka Madaxweynaha Somaliland
Safarka waftiga Madaxweynaha Somaliland ku joogo Kenya iyo kulankan dhex-maray madaxda dalkaas, ayaa ku soo beegmaya xilli ay meel sare marayaan khilaafka iyo xiisadaha diblamaasiyadeed ee beryahan dambe u dhexeeyey dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyaga oo dhawaan Safaaradaha kala qaatay labadaas dal.
Waxay sidoo kale, Soomaaliya dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Urur-goboleedka IGAD oo ay labada dalba Xubno ka yihiin, iyada oo Soomaaliya ku doodday inay faro-gelin diblamaasiyadeed iyo mid kaleba ku hayso Kenya, taasna aanay u dul-qaadan doonin. Hase-yeeshee, Urur-goboleedka IGAD, ayaa qoraal uu xalay soo saaray ku sheegay inuu kulan lagu dhex-dhexaadinayo Kenya iyo Soomaaliya uu ku qaban doono magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Djibouti 20-ka bishan December ee aynu ku jirno ee 2020-ka.
Hase-yeeshee, Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa dhankiisa sheegay inaanu Safarka Waftiga Madaxweynaha Somaliland ee Madaxweynaha Kenya marti-qaaday khusaynin khilaafka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, waxaanu ku dooday inay Somaliland iyo Kenya keliya ka wadahadlayaan danohooda iyaga u dhexeeya.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.