Jewiga ay Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu Hargeysa uga Bilaabantay iyo Masuuliyiin Ka Hadlay

Hargeysa (Aftahannews):- Xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka Somaliland iyo Saddexda Xisbi Qaran, ayaa kormeeray qaar ka mid ah goobaha diiwaangelinta codbixinta cdoorashooyinku ka bilaabmeen ee magaalada Hargeysa iyo degmooyinka hoos yimaadda oo ay maanta si rasmi ah dadku safaf ugu galeen goobaha Diiwaangelinta.

Masuuliyiintu waxay ka warbixiyeen habsami u socodka hawsha Diiwaangelinta iyo siday u bilaabantay, iyaga oo farriimo Wacyigelineed u diray dadwaynaha aan haysan kaadhka codbixinta.

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee 29ka bishii hore dib uga bilaabantay Somaliland, ayaa ka soo dhammaatay deegaanno ka tirsan gobollada Awdal iyo Maroodijeex. Waxaanay dhawrka maalmood ee soo socda ka sii socon doontaa Hargeysa iyo degmooyinka hoosyimaadda iyo weliba gobolka Saaxil oo ay isla maanta ka bilaabantay hawsha Diiwaangelintu.