Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay saraakiil ajaanib ah oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab

Ururka Al-shabaab

Muqdisho (Aftahannews) – Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa warbaahinta u sheegay in ay dileen saraakiil ajnabi ah oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Howlgalka oo ay ciidamadu ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose ayay saraakiishu sheegeen in ay ku dileen ilaa 17 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil ajnabi ah.

Magacyada ragga howlgalkan lagu dilay ayaa lagu sheegay Suleymaan Abuu Maxfuud oo ahaa kuxigeenka Sarkaalka  Jabhadaha  Al-Shabaab una dhashay Dalka Tanzania, Abuu Yaasir Yaxiid oo haysta dhalashada Suuriya oo Al-Shabaab u Qaabilsanaa Amniga Xerada Jabhadaha Al-shabaab, iyo Xasan Maxmed Cismaan oo qaabilsan Howlgalinta  Jabhada Al-shabaab.

Saraakiil Al-shabaab ka tirsan oo lagu dilay Shabeelada Hoose
Saraakiil Al-shabaab ka tirsan oo lagu dilay Shabeelada Hoose

Laakiin dhinaca Al-shabaab wax war ah kama ayna soo saarin sheegashada saraakiisha dowladda ee dilka saraakiishan ajnabiga ah ee la sheegay in ay ka tirsanaayeen.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ay sida weyn ugu xooggan yihiin Ururka Al-shabaab, waxaana inta badan ka dhacay iska horimaadyo iyo dagaallo u dhaxeeya labada dhinaca.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.