Puntland oo ku gacan saydhay in ay soo magacowdo guddiga doorashada heer dowlad goboleed

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland

Garoowe (Aftahannews) – Maamul goboleedka Puntland ayaa diiday in ay soo magacowdo guddiga doorashada heer dowlad goboleed, iyadoo ku adkaysanaysa in dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka iskugu yimaadaan shir wada tashi oo looga arrinsanayo wixii ka fuli waayay heshiiskii doorashada ee Muqdisho lagu galay.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale diiday codsi raysal wasaaruhu u soo jeediyay oo ah in ay Puntland marka hore magacowdo xubnaha guddiga doorashooyinka, kuwaas oo loo xanniban yahay.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland

Madaxweyne Deni ayaa sheegay magacaabida guddiga doorashada in ay wax badan ka horeeyaan islamarkaana dowladda federalka looga baahan yahay in mar hore ciidamadeeda kasoo saarto Gedo iyo in dib loo eego magacaabidda guddiyada maamulaya doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.