Golaha Wakiillada oo laga hor-jeediyay eedo Musuq-maasuq oo Wasaaraddaha qaar dul hoganaya

Hargeysa (Aftahannews) – Guddida daba galka iyo ilaalinta hantida Qaranka ee golaha Wakiillada Somaliland, ayaa soo bandhigay eedo musuq maasuq oo ay sheegeen in ay dul hoganayaan wasaaraddo iyo laamo ka mida hay’addaha dawlada.

Eedaha ay soo jeediyeen guddidu ayay sheegeen in ay yihiin kuwo ku taariikheysan 2018 iyo 2019-ka.

Eedaha guddida dabagalka iyo ilaalinta hantida Qaranku ay soo bandhigeen oo ay qoraal ay ugu soo gudbiyeen golaha Wakiillada islamarkaana ay ka hor jeediyeen gole weynaha, ayaa waxaa golaha ka hor akhriyay guddoomiyaha guddida dabagalka iyo illaalinta hantida Qaranka xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi  Siraadlle waxaanu yidhi. “Waxaa aanu halkan idiinku soo gudbinayna warbixin iyo talo soo jeedin ka dhalatay faaqidaad iyo dabagal aanu ku sameynay natiijada baadhista ee Hanti Dhawraha guud ee ku xusan buugagga xisaab xidhka dawladda ee miisaaniyadihii 2018-2019 ee uu golaha wakiillada u soo gudbiyay isla Hanti Dhawrka guud ee Qaranku.

Xisaab xidhkan waxaa isku duba riday xisaabiyaha guud ee Qaranka, hanti dhawrka guud ee Qarankuna uu baadhitaan ku sameeyay kuna soo lifaaqay aragtidiisa.

Mudanayaal asbaabaha keenay in guddida dabagalka iyo illaalinta hantida Qaranku diyaariso warbixin midaysan oo ku saabsan labadan xisaab xidh ee 2018-2019 waxaa ka mid ah.

1 Natiijada baadhista ee Hanti Dhawrka guud, ee labada xisaab xidh oo aad isugu dhawaa

2 Hay’addaha ay khuseyso natiijada xisaab xidhku oo isku mid ahaa

3 Qodobada tallo soo jeedinta ee lagu maareynayo natiijada baadhista oo inta badan isku mid ahaa.

4 Labada xisaab xidh oo isa soo gaadhay.”