Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hogaaminayay oo lagu soo dhaweeyay dalka Kenya

Nairobi (Aftahannews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey, oo gaadhay dalka Kenya ayaa lagu soo dhaweeyey dalkaasi, iyadoo madaxweynaha iyo weftigiisana loo gelbiyey Hotel Kempinski.

Waxaana madaxweynaha iyo weftigiisa garoonka ku soo dhaweeyey wasiirka beeraha Mr. Peter Munya iyo wasiiru-dawlaha arrimaha dibeda, Mr. Ababu Namwamba iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibeda dalka Kenya.

Waxaana soo dhawaynta ka dib warbaahinta qaranka Somaliland la hadlay wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Amb. Baashe Cawil Cumar iyagoo sharaxaad ka bixiyey soo dhawaynta madaxweynaha iyo kulamada ay yeelan doonaan maalinta berri ah madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxweynaha dalka Kenya.