Wasiirka Maalgashiga Somaliland oo kulan la yeeshay Ganacsatadda Soomaalida Kenya

Wasiirka Maalgashiga Somaliland, Maxamed Axmed Cawad
Wasiirka Maalgashiga Somaliland, Maxamed Axmed Cawad

Nairobi (Aftahannews) – Wasiirka wasaaradda Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad oo safar shaqo ku jooga dalka Kenya ayaa shir la yeeshay qaar ka mid ah mulkiilayaasha iyo mas’uuliyiinta Shirkadaha Ganacsiga Soomaalida ah ee dalkaas ka ganacsada.

Shirkaas oo ay qaban qaabadiisa lahayd safaaradda Somaliland ee dalka kiiniya waxaaa wasiirka maalgashiga Maxamed Axmed Cawad kulankaas ku wehelinayey safiir ku xigeenka Somaliland ee dalkaas Sharmaake Axmed Muxumed (Geelle).

Markii uu shiraakasi soo dhamaaday waxa warbaahinta dowladda faahfaahin ka siiyey kulankaas iyo waxyaabihii lagaga wada hadlay safiir ku xigeenka Somaliland ee dalka kiiniya Sharmaake Axmed Muxumed, oo sheegay in ay ganacsatada ay ka wada hadleen sidii ay Somaliland maalgashi ugu sameysan lahaayeen, maadaama ay yihiin ganacsato maalgashata dalalka bariga Afrika.

Dhankiisana wasiirka wasaaradda maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad, ayaa sheegay in ay ganacsatadaas ay uga warameen fursadaha maalgashi ee ay ka heli karaan Somaliland ganacsatada Soomaalida ah ee ka ganacsada dalalka geeska Afrika gaar ahaan kiiniya, wuxuuna intaas ku daray wasiirku in muhiimadda koowaad ay Somaliland siinayso ganacsatada Soomaalida dhinaca maalgashiga, isaga oo xusay in xeerarka iyo nabadgalyada ka jirta Somaliland ay u saamaxayso ganacsatada Soomaalida in ay maalgashadaan Somaliland.

Wuxuuna wasiirka wasaaradda maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad, uu tilmaamay in shirkaasi ugu soo dhamaaday is-afgarad wanaagsan, ganacsatadana ay uga jawaabeen su’aalihii ay u baahnaayeen ee ay weydiiyeen.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.