Mareykanka oo sii daayay muuqaal ku saabsan duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayay Al-shabaab

Muqdisho (Aftahannews) – Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Jimcihii soo saaray cajalad fiidiyoow ah oo muujineysa saameynta duqeymihii cirka ee la qaaday 10-kii Dec ee lagu dilay sideed khabiir oo Al-Shabaab katirsanaa oo ku xeel-dheeraa walxaha qarxa.

Duqayntaas oo ka dhacday agagaarka Jilib, ayuu talisku ku tilmaamay tallaabo kale oo muujineysa sida ay uga go’an yahay dagaalka dhanka ah xagjiriinta.

Weerarkii khamiistii wuxuu ahaa kii 48-aad ee sanadkan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana lala beegsaday saldhig lagu diyaarin jiray qaraxyada oo ku yaalay gobolka Jubbada Dhexe oo xarun u ah Alshabab.

Mareykanka oo sii daayay muuqaal ku saabsan duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayay Al-shabaab
Mareykanka oo sii daayay muuqaal ku saabsan duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayay Al-shabaab

Tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkan, dhowr dagaalyahanno oo katirsan Al-shabab ayaa sidoo kale lagu dilay dagaallo dhulka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka iyo ciiddanka milatariga Soomaaliya oo iskashanaya.

Duqeyntii khamiistii ayaa kusoo beegantay xilli Mareykanka uu amar ku bixiyay in ciidamadiisa laga soo saaro Soomaaliya.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa iyadoo fulinaysa amar ka soo baxay madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Donald Trump, waxay qorsheynaysaa in in ka badan 700 oo askari oo kaga sugan Soomaaliya in dib loo geeyo meelo kale oo ka tirsan Bariga Afrika.

Hoos ka daawo muuqaalka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.