Guddoomiye Mursal: Waan sii shaqeyn ilaa la helo Baarlamaan na badala

Guddomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman
Guddomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman

Muqdisho (Aftahannews)- Guddomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa ka dhawaajiyay iney xilka sii heyn doonaan ilaa laga helo baarlamaankii badali lahaa.

Gudoomiye Maxamed Mursal wuxuu shir gudoominayay kulankii 7-aad ee kalfadhigii 8-aad ee golaha shacabka kaas oo laba ajande looga hadlay.

Guddomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman
Guddomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman

1. Akh 1aad ee Miisaaniyadda 2021

2. Akh 2aad H/Sh Dhismaha Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga

Intii lagu jiray kalfadhigii 8-aad ayuu mar kale ku celiyay in Baarlamaanka 10-aad oo uu gudoomiyaha u yahay ay xilka sii heyn doonaan inta laga dhaarinayo Baarlamaanka 11-aad ee iyaga badali doona.

Hadalka gudoomiye Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa kusoo aadaya xilli muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku egyahay bishaan aynu ku jirno.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.