Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya oo Qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho

Breaking_news-5

Muqdisho (Aftahannews)- Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa kuwa dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo watay gawaadhida dagaalka, waxaana lagula eegtay agagaarka dugsi Sare Banaadir oo u dhaxeeya Isgoyska KM4 iyo Isgoyska Tarabuunka.

Laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxaas uu geystay dhimasho iyo dhaawac, balse aan la ogaan tirada rasmiga ah ee ay waxyeelada kasoo gaadhay qaraxa halkaas ka dhacay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.