Ra’iisal Wasaare Rooble oo gaadhay Garoowe, shaaciyeyna 3 arrin oo uu kala hadlayo Puntland

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Garoowe
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Garoowe

Garoowe (Aftahannews)- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Rooble ayaa waxaa  soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, xildhibaano, wasiiro, masuuliyiin iyo qeybaha bulshada Puntland.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in socdaalka Ra’iisal Wasaaraha uu qeyb ka ah safarro uu ku marayo dowlad-goboleedyada dalka, islamarkaana Punyland iyo maamullada uu kala hadlayo saddex arrin oo kale ah:-

1 – Wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka.
2 – Arrimaha doorashooyinka dalka oo muran xooggan uu ka taagan yahay.
3 – Iyo amniga, horumarinnta adeegyda bulshada iyo qodobbo kale.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Puntland soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey, waxuna sheegay in Xukuumaddiisu ay xoogga saaraysa adkeynta wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Dowlad gobolleedyada dalka.

Ra’iisal Wasaraha ayaa sidoo kale booqan doona dowlad-goboleedka Galmudug oo uu kula kulmi doono madaxda iyo bulshada.

  

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.