Mushharrax Sheekh Ibraahim Cabdi Muuse oo Lagu Soo Dhaweeyey Xadka Somaliland iyo Itoobiya

Tog-Wajaale (Aftahannews) – Xoghayaha Diinta iyo Awqaafta ee Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Sheekh Ibraahi Abdi Xuseen oo ah Musharrax u taagan Golaha Wakiillada inuu ugu tartamo gobolka Maroodi-jeex doorashada la filayo inay Somaliland ka qabsoonto 2021-ka, ayaa kormeer ku soo maray deegaannada ay diiwaangelinta Codbixiyeyaashu ka socotay ee gobolka Maroodi-jeex.

Deegaanadaasi uu kormeerka ku soo maray ayaa waxaa ka mid ahaa, degmooyinka Wajaale, Allay-baday, Faraweyne iyo Tuulooyinka hoos taga iyo weliba Magaalada Harta-Sheekha oo iyadu ka tirsan dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Tuulooyinka hoos taga.

Musharraxu intii uu kormeerka ku jiray waxa uu u kuurgalay xaaladaha Dadka reer Guuraaga ah, waxaanu warbixinno ka dhegaystay Odayaasha, Wax-garadka iyo qaybaha Bulshada ee deegaannadaas, oo dhammaantood si diirran loogu soo dhaweeyey Musharraxa iyo Waftigiisa, isla markaana taageero loogu muujiyey.

Musharrax Sheekh Ibraahin Xuseen iyo Wafti uu hoggaaminayaa, waxay ugu dambayntii gaadheen Harta-Sheekha oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Suldaanka guud ee Beelaha Isaaq ee dega Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Suldaan Axmed Maxamuud Boos (CODYARE), Beeldaajiye CARAB Indha-bahalle iyo Jiif Caaqil Axmed Gaagaale, Haween, Dhalinyaro iyo Wax-garad kale.

Ugu horreyn waxa halkaas ka hadlay Suldaan Axmed Maxamuud Boos (CODYARE), Uqaasha iyo Odayaasha iyo Haweenka magaalada Harta-Sheekha, waxaanay sheegeen inay soo dhawaynayaan Musharraxa iyo waftigiisa, isla markaana taageersan yihiin musharraxnimadiisa, iyaga oo ku ammaanay doorka uu ka qaatay wacyigelinta diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ay uga mahad-naqeen. Waxaanay yidhaahdeen.

Geesta kale, waxaa hadalka la wareegay Waftiga Musharraxa oo ay ka mid ahaayeen JIIF Caaqil Mahad Muuse Kaahin, Jiif Caaqil Maxamed Muxumed iyo Odayaasha Waftiga oo ka mahad-naqay sida loo soo dhaweeyey, waxaanay yidhaahdeen.

Musharrax Sheekh Ibraahin Xuseen oo ka mid ah Musharrixiinta u taagan inuu gobolka Maroodi-jeex uga tartamo Xildhibaannada Golaha Wakiilladda Somaliland, kana sharraxan Xisbiga Addaaladda iyo Daryeelka ee UID, ayaa ka mid ahaa Musharrixiinta sida muuqata uga hawlgalay wayigelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Somaliland dib uga bilaabantay 29-ka bishii aynu soo dhaafnay ee November, taas oo ka bilaabantay deegaanno ka tirsan gobollada Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil oo ay hadda ka so’oto, isaga oo taageero laxaadle ku kasbaday sida uu uga qaybqaatay ololaha is-diiwaangelinta.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.