Maxay ka wada-hadleen Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ruushka?

Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ruushka
Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ruushka

Moscow (Aftahannews)- Ra’iisal Wasaarihii hore ee dowladda Federaalha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ruushka, sida uu ku sheegay baraha bulshada.

Kheyre ayaa bartiisa Facebook-gga kusoo qoray: “Waxaan maanta kulan qado Sharaf ah la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dalka Ruushka, Sergey Lavrov, oo aan ka wada hadalnay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Ruushka, iyo sidoo kale xaaladda guud ee gobalka Geeska Afrika.

Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ruushka
Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ruushka

Waxaan si qoto dheer isaga wareysannay isbaddallada Dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka ka socdo.

Xasan Cali Kheyer ayaa ayaa bishii July laga qaaday xilkii Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, oo uu soo hayay tan iyo sanadkii 2017-kii.

Hadda wuxuu ka mid yahay musharraxiinta ku dhawaaqay inay u tartamayaan xilka madaxweynaha, marka la gaadho doorashada xigta.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.