Taliska militariga Soomaaliya oo war ka soo saaray falkii lagu laayay saraakiishii ciidanka

Taliyaha ciidanka Soomaaliya, Gen Odawaa Yuusuf Raagge
Taliyaha ciidanka Soomaaliya, Gen Odawaa Yuusuf Raagge

Muqdisho (Aftahannews) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wadaan baadhitaan la xidhiidha dilka saraakiishii maalin ka hor lagu laayay weerarkii ka dhacay gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen Odawaa Yuusuf Raagge ayaa meesha ka saaray in dilka saraakiishan wax xidhiidh ah la laheyn aano qabiil, isaga oo taa badalkeeda sheegay in falkan aanu waxba ka duwaneyn falalka sida uu hadalka u dhigay argagixisada dadka ku leyso.

Taliyaha ciidanka Soomaaliya, Gen Odawaa Yuusuf Raagge
Taliyaha ciidanka Soomaaliya, Gen Odawaa Yuusuf Raagge

Ilaa  7 sarkaal oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa weerar gaadmo ah lagu dilay iyaga oo ku safrayay waddada isku xidha Guriceel iyo Ballanbel.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba ka hadhi-doonin baadhitaanka arrintan ku saabsan ilaa la soo helo ayuu yidhi dadkii ka danbeeyay falkan.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.