Al-Shabaab oo dil toogasho ah ku fuliyay Odey 70 Jir ah iyo sababta

Filed under: Wararka |

Bakool (Aftahannews)- Wararka ka imanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in degmada Tiyeegloow ee ka tirsan gobolkaas ay maalintii shalay meel fagaare ah ku toogteen dagaal-yahanada Al-Shabaab odey 70 sanno jira.

Al Shabaab ayaa ninka odeyga ah ku eedeyay inuu ka shaqeyn jiray arrimaha sixirka, oo la sheegay inuu u adeegsan jiray sidii uu lacag badan uga sameyn lahaa.

Waxay maxkamadda Shabaabku sheegtay in Ninkan oo lagu magacaabo Isxaaq Xasan Daa’uud uu qirtay dambiga lagu eedeeyay, isla markaana uu muddo ku siman 20 sanno ku shaqeysan jiray sixirka.

Al-Shabaab oo meel fagaare ah ku toogtay Odey 70 sanno jira

Al-Shabaab oo meel fagaare ah ku toogtay Odey 70 sanno jira

Isxaaq ayaa lagu soo waramayaa in uu sixirka ku kala geeyay lamaanayaal badan, halka kuwo kale oo isugu jira rag iyo dumar iskugu soo dhaweeyay.

Ninkaan ayaa waxa shalay lagu toogtay goob ay ku sugnaayeen dadka deegaanka Tiyeegloow ee gobolka Baay oo ay dagaal-yahaanada Al-Shabaab ku amreen inay shaahid u noqdaan falkaas.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan deegaanada ay gacanta ku hayso ka fulisa dilal toogasho, kuwaasi oo ay sheegto in kiisaskooda ay xukumaan maxkamadahooda, kadib marka ay helaan cadeymo ku filan iyo qiraalka eedeysanayaasha.

Xubnaha ay Shabaab ku fuliso dilka toogasho ayaa waxay muddooyinkii dambe u badnaayeen kuwo ay la xidhiidhiso falal ‘jaajuusnimo’ ah oo ay la shaqeeyan dowladda Soomaaliya iyo dowladaha saaxiibka la ah ee dagaalka xoogan kula jira.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login