Somaliland: Madaxda Xisbiyada, Xukuumadda iyo Guddiga Doorashooyinka Maxay Ka Wadahadleen?

Hargeysa (Aftahannews) – Madaxda Xisbiyada Qaranka, xubno ka mid ah golaha Wasiirrada iyo Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa xalay kulan ku yeeshay madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa, kaasoo lagaga wadahadlay diiwaangelinta codbixinta 29ka bishii hore dalka ka bilaabantay.

Kulankani waxaa uu daba socday kulamo hore u dhex maray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, axsaabta qaranka iyo odayaasha gobolada barriga oo uu ujeedkiisu ahaa in dib loo eego jedwalka diwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka oo hore ay u dejiyeen komishanka doorashooyinku; kana bilaabmay gobolada galbeedka Somaliland, iyada oo la filayo in 13-12-2020 ka bilaabmanto gobolada barriga Somaliland.

Waxaana kulamadaasi lagu go’aamiyey in lagala tashado oo loo bandhigo komishanka doorashooyinka qaranka inay wixii suuragala ay dib u eegaan, waxana isla kulankaasi loogu yeedhay guddida doorashooyinka oo iyaguna cadeeyey in wakhtigu ku yar yahay, suurta galna aanay ahayn in ay mar kale dib u eegis ku sameeyaan wakhtiga diwaangelinta codbixiyeyaasha in dib loo dhigo, madaama wakhtigu is-riixayo.

Waxaana si wada jir ah warbaahinta ula hadlay madaxda axsaabta qaranka iyo komishanka doorashooyinka qaranka oo fariin u diray gobolada codsiga hore u soo gudbiyey inay u diyaar garoobaan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha wakhtigii hore loogu asteeyey inay kaga qabsoonto goboladaasi.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.