Munaasibad Lagu Shaaciyey Musharrixiin Miisaan leh oo Xisbiga Waddani Ku Biiray

Hargeysa (Aftahannews) — Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu qabtay munaasibad balaadhan oo lagu shaacinayay musharraxiin miisaan leh oo iska soo sharaxay xisbiga Waddani.

Musharrixiintan maanta xafladda shaacintooda la qabtay ayaa waxa ay kala ahaayeen Mudane Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto oo ah Musharrax u taagan golaha Wakiilada iyo Eng Maxamed Cali Aw Cabdi oo isna ah Musharrax u taagan doorashada Golaha Deegaanka ee Hargeysa.

Waxaana munaasibadaasi ka qayb galay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo ay weheliyaan masuuliyiinta ugu saraysa xisbigaasi.

Munaasibadan oo ka qabsoontay Hoteel Guuleed ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa kale oo ka soo qaybgalay Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Madax-dhaqameed, Dhalinyaro, Haween, iyo taageerayaasha labada murashax.