Raysal-wasaare Saacid oo Xukuumaddiisa Amarro Faray xilli Is-casilaad laga sugayo

Muqdisho(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa amarro faray dhammaan laamaha Xukuumaddiisa xillli laga sugayay inuu is asilo sida uu ka dalbaday Madaxwaynaha Soomaaliya isla markaana khilaafkooda ku tilmaamay mid dastuuri ah oo u baahan in la barto sharciga waddanka , si rasmi ah shaaca uga qaaday jiritaanka Khilaafka u dhexeeya Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dalbaday inuu Raysalwasaare Saaid is asilo.

Warsaxaafadeed kasoo baxay  Xaiiska Raysalwasaaraha ayaa u qornaa sida tan

Waxaa xusid mudan in bishaan November 2013, ay tahay sanadguuradii kowaad ee dhismaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Inkastoo marxalad adag iyo caqabado badan ay jireen hadana muddada kooban ee halka sano aheyd oo ay dawladdeena dhisneyd waxay gaartay guulo waaweyn iyo waxqabad muuqda gaar ahaan dhinaca amniga, dib-u heshiisiinta, maamulka iyo kobcinta dakhliga dawladda, waxbarashada, xoojinta siyaasadda arrimaha dibada, dhismaha haykalka dawladda iwm.

Inkastoo waxqabadka iyo horumarka aan kor ku xusay iyo wadashaqeyn waanaagsan ay ku dhammaatay sanad-guuradii kowaad, anoo ka xun waxaan ku wargalinayaa ummadda Soomaliyeed in uu dhab yahay is-maandhaafka la maqlay oo ka dhaxeeya aniga iyo Madaxweynaha. Is-maandhaafkaasina maahan mid siyaasi ah ee waa mid Dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Qaranka.

Waxaan ka codsanayaa ummadda Soomaliyeed iney ku kalsoonaadaan Madaxdooda iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ayagu leh mas’uuliyadda kowaad ee xal u helidda is-maandhaafkaan.

Ugu dambeyn, maadaama ay horyaalaan wadanka marxalado adag gaar ahaan dhanka amniga, waxaan farayaa hay’adaha dawladda oo dhan in ay wataan howshooda qaran, siina laba jibbaaraan adkeynta nabadda iyo habsami u fulinta howlahoodaa. Sidoo kale, waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed iney sii xoojiyaan doorkoodiii ahaa  waddaninimada, nabadda, iyo horumarka dalka.

 

DHAMAAD

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland