Gobolka Geeska Afrika oo u muuqda inuu dagaal qabow ka socdo iyo dareen la’aanta Somaliland

Hargeysa (Aftahannews) – Gobolka Geeska Afrika ayaa u muuqda inuu ka bilaabmay wax u eeg Dagaal qabow, ka dib dagaalkii ay Itoobiya ku burburisay Maamulka TPLF.

Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu u muuqdaa inuu aad uga shakisan yahay dalka Koonfurta Suudaan oo dhawaan marti-geliyey Madaxweynaha dalka Masar iyo Wefti uu hoggaaminayey oo socdaal ku yimid, iyadoo la ogyahay ismari waaga guunka ah ee u dhexeeya Qaahira iyo Addis Ababa.

Inkasta oo markii dambe la beeniyey Itoobiya waxay amar ku siisay Safiirka iyo shaqaalaha Safaaradda Addis Ababa ee Koonfurta Suudaan inay dalkeeda ka baxeen, iyadoo geesta kalena u yeedhatay Safiirkoodii Jubba.

Raysal-wasaare Abiy Axmed ayaa khudbad uu u jeediyey Baarlamaanka dalkiisa, wuxuu si aan toos ahayn ugu duray dalka Koonfurta Suudaan iyo Madaxdiisa.

Kenya Iyo Soomaaliya

Soomaaliya iyo Kenya waxa iyadana ka dhex qaraxday khilaaf dublumaasiyadeed, waxayna Soomaaliya la soo baxday Safiirkii ka joogay Nairobi, halka Safiirkii Kenya u joogay Muqdisho ay caydhisay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo u muuqda inuu la jaan-qaadayo isbeddelka kasta oo ku soo kordha Gobolka wuxuu Shalay Yuusuf Garaad Cumar Axmed u Magacaabay Ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanta Cadmeed.

Dagaalka ka socda Itoobiya waxa uu galaaftay Wasiirkii Arrimaha dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawed, ka dib markii uu ku taliyey in wada-hadal lagu dhameeyo colaadda TPLF iyo Dawladda dhexe ee Itoobiya, taasi oo Itoobiya ka cadhootay.

Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo khabiir ku ah siyaasadda Gobolka Geeska Afrika ayaa inkasta oo aanu qayb ka ahayn isbeddellada ka socda Gobolka, haddana hadal uu dhawaan jeediyey wuxuu Raysal-wasaare Abiy Axmed ku taageeray dagaalkii TPLF, isagoo sheegay inay waajib tahay in Abiy Axmed uu cagta mariyo TPLF.

Madaxweyne Geelle ayaa xidhiidh dhow la lahaa Maamulkii hore ee Itoobiya ee TPLF, isagoo geesta kalena TPLF ay ku wada socdeen Qorshihii lagu go’doomiyey Madaxweynaha Eritrea.

Uganda

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa Madaxweynaha Uganda oo isku arka Odayga Bariga Afrika ka diiday inuu dhexdhexaadin ka dhex bilaabmayo isaga iyo Madaxda Jabhadda TPLF, taasina waxay sheegaysaa inaanu xilligan Madaxweynaha Uganda Yuweeri Musatafni ku caloolsamayn sida uu Abiy Axmed wax u wado.

Somaliland

Somaliland waxay u muuqataa inay aamusnaan ku daawanayso arrimaha hareeraheeda ka socda, mana jiraan wax qorsheyaal ah oo la ogyahay oo Dawladdu uga meel-yaalla Xaaladaha ku soo kordhay Gobolka.

Laamaha kala duwan ee Dawladda Somaliland ayaan weli si rasmiya uga hadal Xaaladda Gobolka, gaar ahaan Dagaalka Itoobiya ku qaadday Gobolka Tigreega, Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Faratoon oo dhawaan uu Wargeyska Geeska Afrika waydiiyey sida ay dawlad ahaan arrintaa u arkaana wuxuu sheegay inaanu diyaar u ahayn inuu ka hadlo.

Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faaratoon) ayaa waxaa uu xilligan dalka kaga maqan safar dibedeed.

 

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika