Siyaasi Daa’uud Foodcade oo Shaaciyay In Uu Yahay Murashax U Taagan Doorashada Barlamaanka

Hargeysa (Aftahannews)- Munaasibad balaadhan oo lagu shaacinayay  Murashaxnimada Siyaasi Daa’uud Xuseen Jaamac (Daa’uud  Food-cadde) oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa waxaa maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Waxana munaasibadan lagu shaacinayay Murashaxnimada Daa’uud Food-cadde ka qaybgalay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), masuuliyiin ka tirsan xisbiga, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Madax-dhaqameed iyo marti sharaf kale.