Qatar iyo Sucuudiga oo qarka u saaran inay xal ka gaadhaan khilaafka Khaliijka

Qatar iyo Sacuudiga
Qatar iyo Sacuudiga

Doha (Aftahannews) – Dawladaha Qatar iyo Sacuudi Carabiya ayaa qarka u saaran inay heshiis hordhac ah ka  gaadhaan si loo soo afjaro muranka soo jiitamayay ee dhexyaala dalalka jaarka ah ee Gacanka Khaliijka ee iska soo horjeeday muddo ka badan s

Qatar iyo Sacuudiga
Qatar iyo Sacuudiga

addex sano.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in la filayo heshiis hordhac ah in la gaadho ka dib markii la taliyaha madaxweynaha dalka Maraykanka, Jared Kushner uu gaadhay gobolka Khaliijka isagoo qeyb ka ah dadaalkii ugu dambeeyay ee lagu xallinayo xiisadda Khaliijka, ka hor inta aanu maamulka Trump xafiiska ka tagin bisha January ee sanadka soo socda.

 

Safarka Kushner waxaa ka mid ahaa kulammo uu la yeeshay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan oo uu kula kulmay magaalada Riyadh horraantii toddobaadkan, iyo Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, oo ku sugan Doha oo uu isna Abacadii shalay la kulmay.

Arbacadii shalay ayay Wall Street Journal (WSJ) uu soo xigtay saraakiil Maraykan ah oo sheegaya in muhiimada ugu weyn ee wadahadalka uu noqon doono xalinta muranka ka dhashay ogolaanshaha in diyaaradaha Qatar ay maraan hawada Sacuudiga iyo Imaaraadka (UAE).

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.