Xukuumadda Somaliland oo jawaab adag ka bixisay Ergay Soomaaliya u magacawday Geeska Afrika, Badda Cas, iyo Gacanka Cadmeed

Hargeysa (Aftahannews)- Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa ay jawaab adag ka bixisay Ergayga Soomaaliya u magacowday Geeska Afrika, Badda Cas, iyo Gacanka Cadmeed, Yuusuf Garaad Cumar.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, soona gaadhay Warbaahinta Aftahannews ayaa u dhignaa sidan:-

Jamhuuriyadda Somaliland waa dal madaxbannaan oo si buuxda oo u maamula xuduudihiisa dhul, bad  iyo hawo. Somaliland waa dal bogcad muhiim ah kaga yaal qaaradda Afrika, gaar ahaan Badda Cas iyo  marin biyoodka istaraatejiga ah ee Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden).

Magaacabista ergayga u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas, iyo Gacanka Cadmeed ee maamulka  Muqdisho waa riyo maalmeed iyo sheegasho caalwaa ah, ujeedada la ga leeyahay na waa sidii loo marin  habaabin lahaa aragtida iyo fahanka bulshada caalamka ee ku wajahan qaddiyadda madaxbannaanida  Jamhuuriyadda Somaliland. Sida ku cad khariidadda Qaaradda Afrika ee lagu saleeyey xuduudihii  gumeysiga, Soomaaliya meel kuma leh Gacanka Cadmeed.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku wargalineysaa beesha caalamka, Midawga Africa, iyo  Urur Goboleedka IGAD, in magacaabista ergayga Badda Cas, iyo Gacanka Cadmeed yahay faragalin qaawan iyo dagaal siyaasadeed oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, dawladda iyo  shacabka Somaliland waxay si wadajir ah diyaar ugu yihiin difaaca madaxbannaanida, qarannimada iyo  dhammaan xuduudaha waddanka wax wal oo ay ku kacayso naf iyo maal. 

Jamhuuriyadda Somaliland waa dal hormuud u ah nabadda, iyo dimuqraadiyadda Geeska Afrika, isla markaana leh golayaal si toos ah shacabku u soo doorto, si xor iyo xalaal ah, oo hal qof iyo hal cod ah. Haddaba, waxa ay Somaliland u caddaynaysaa bulshada caalamka in aanay jirin xildhibaanno ku matala  dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland golayaasha sida dadban loo gu doorto Soomaaliya, balse ay  yihiin ashkhaas aan cidna ku matalin xilalka ay ku magacaaban yihii. Waana xilal ujeeddada la ga leeyahay  ay tahay indho sarcaad siyaasadeed. 

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay marwalba u taagan tahay ilaalinta xisilloonida, nabad ku wada noolaashaha, iyo horumarka gobolka. Dawladda Somaliland waxa kale oo ay si dhaw u la socotaa xaaladda iyo isbeddelada gobolka ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

 

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka