Wershad Sonkorta ah oo China uu maalgeliyey Itoobiya oo la duqeeyey

Wershada Sonkorta China ee Itoobiya
Wershada Sonkorta China ee Itoobiya

Mekkele (Aftahannews)- Shiinaha ayaa 630 ka mid ah muwaadiniintiisa ka daad gureeyay gobolka ay colaaduhu saameeyeen ee Itoobiya ee waqooyiga gobolka Tigray kadib markii ciidamada dowladda federaalka ay bilaabeen duqeymo dhanka cirka ah, Guancha, sida lagu daabacay oo bogga caan ah oo dowladda taageera.

Qaraxyadu waxay ku dhufteen goobo ay degan yihiin dad rayid ah iyo sidoo kale burburinta goobo ahaa kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ku jirtay warshad sonkor ah oo Shiinuhu maal-galiyo, ayay warbixintu tidhi, iyadoo intaas ku dartay inaanay jirin cid wax gaadheen.

Toddobaadkan dhammaadkiisii Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray gulufkii socday muddada billaha ah, isagoo sheegay in duqeymaha cirka ayna bartilmaameedsan doonin goobaha rayidka.

Wershada Sonkorta China ee Itoobiya
Wershada Sonkorta China ee Itoobiya

Hogaamiyaasha gobolada Tigray, oo Mr Abiy ku eedeynayo khiyaano qaran, ayaa sheegay in dagaalku wali soconayo inkasta oo uu sheeganayo guul dhankiisa.

Waxaa jira mashaariic dhowr ah oo Shiinuhu ka maal-galiyo gudaha Itoobiya iyadoo qaar badan oo Shiine ah ay ka shaqeeyaan goobaha warshadaha ee Tigray.

Colaadda Tigray ayaa ku soo beegantay iyadoo la jaray isgaadhsiintii internetka iyo taleefannada gacanta. Waxay sidoo kale horseedday yaraanshaha sahayda aasaasiga ah ee suuqa maxalliga ah.

Safaaradda Shiinaha ee Itoobiya ayaa go’aansatay inay muwaadiniinteeda kala baxdo Tigray, iyadoo sheegtay inay ka walaacsan tahay wanaagooda.

Waxaa loo qaaday goobaha nabdoon ee dalka, sida ay ku warrantay warbaahinta Shiinaha.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Itoobiya waxay ahayd mid ka mid ah saldhigyada ugu muhiimsan Shiinaha ee himiladeeda ay ugu magacdareen Belt iyo Road Initiative – oo ah mashruuc balaayiin doorlar ku kacaya oo ka kooban dhisidda waddooyin, tareenno iyo dekedo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.