Sheekh Aadan-Siiro Muxuu ka yidhi Hadalkii Xildhibaan Xasan Shahar Eeday ee uu Sheekha Ku Duray?

Hargeysa(Aftahannews):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Xasan Shahar oo ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa, isla markaana maalmo ka hor sheegay inay isaga iyo Maayerka Caasimaddu si deg-deg ah ugu iibiyeen laba Baloog oo dhul ah mar uu Sheekhu xanuunsaday, Lacagtiina siiyeen, balse Sheekh Aadan wuxuu ku dooday in hadalka Xildhibaanku yahay been aanay waxba ka jirin.

Sheekh Aadan waxa uu u mahad-naqay Dad badan oo ka xumaaday hadalka Xasan Shahar, jawaabo kala duwanna ka bixiyey, iyagoo sheegaya aqoonta ay u leeyihiin Shaqsiyadda Sheekha iyo inaanu ahayn nin u baahan in dan guud loo habeeyo, balse uu isagu yahay Qof dadka baahan wax tara, horumarinta arrimaha bulshadana ka shaqeeya oo Boqollaal kun oo Doollar sannad kastaba u ururiya dadka baahan iyo kaabista adeegyada bulsho.

Haddaba, Sheekh Aadan oo si kooban uga hadlay eedaynta Xasan Shahar, mar ay maanta Warbaahinta qaarkeed ku booqdeen Gurigiisa Hargeysa, waxaannu hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.