Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Dalka Czech Republic ee Addis Ababa Maxay ka Wadahadleen?

Safiirka Dalka Czech Republic ee Addis-Ababa IYO Madaxweynaha Somaliland 2020 Hargeysa
Safiirka Dalka Czech Republic ee Addis-Ababa IYO Madaxweynaha Somaliland 2020 Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka dalka Czech Republic u fadhiya Addis ababa Amb Pavel Mikes oo safar ku jooga Hargeysa.

Safiirka Dalka Czech Republic ee Addis-Ababa IYO Madaxweynaha Somaliland 2020 Hargeysa
Safiirka Dalka Czech Republic ee Addis-Ababa IYO Madaxweynaha Somaliland 2020 Hargeysa

Afhayeenka madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa war-saxaafadeed qoraal ah oo uu soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews, si guudmar ah ugaga warramay kulankaas iyo waxyaabaha ay Madaxweynaha iyo Safiirku kaga wadahadleen, waxaanu War-saxaafadeedkaasi u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Czech Republic u fadhiya Addis-ababa, Amb Pavel Mikes oo safar ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland.Kulankaas waxa lagaga wada hadlay iskaashiga xidhiidh rasmi ah oo dhexmara dalalka Somaliland iyo Czech iyo sidii ay labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen horumarinta waxbarashada, gaar ahaan farsamada gacanta, arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada shacbi.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu warbixin mugleh ka siiyey weftiga, horumarka iyo wax wada-qabsiga dawladnimada Somaliland ay halkan ku soo gaadhay, inay tahay isfahanka iyo wada shaqaynta dawladda iyo shacbigeeda oo heegan buuxa u ah inay ka mid noqdaan beesha caalamka, kana helaan wixii ay xuquuq ku leeyihiin, iyagoo buuxiyey shuruudihii dawladnimo ee looga baahnaa oo dhan.

Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku dhammaaday is af-garad buuxa iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka safarka shaqo ee uu ku yimid Dalka Somaliland.” sidaa ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedkan madaxtooyada naga soo gaadhay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.