Xildhibaano iyo Siyaasiyiin jawaab ka bixiyay eedaymo Xildhibaan Xasan Shahar u jeediyay Sheekh Aadan Siiro

Hargeysa (Aftahannews) – Xubno Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Dhalinyaro ah ayaa waxaa ay jawaab kulul ka bixiyeen eedaymo maalintii shalay ahayd Xildhibaan Xasan Shahar u jeediyay Sheekh Aadan Siiro.

Masuuliyiintan ayaa wax laga xumaado oo gaf iyo aflagaado qaawan ah ku tilmaamay eedaynta xildhibaan Xasan Shahar kula dul dhacay Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah Culimada waawayn ee Somaliland.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanadan ayaa waxaa ay sidoo kale ku baaqeen in Xasan Shahar Maxkamada la horkeeno maadama uu qirtay xatooyo xoolo u madadeed.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.