Wefti ka socda Beesha Caalamka oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Puntland

Wefdiga Qaramada iyo Madaxweynaha Puntland
Wefdiga Qaramada iyo Madaxweynaha Puntland

Garoowe (Aftahannews) – Wefti ka socda Qaramada Midoobey, Midowga Europe, Midowga Africa iyo IGAD, ayaa kulan gaar ah magaalada Garoowe kula qaatay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Wetigan Safiiradda beesha caalamka ayaa madaxweynaha Puntland kala hadlay geeddi socodka doorashada Soomaaliya iyo xaqiijinta qoondada dumarka ku leeyihiin kuraasta aqalka sare.

Madaxweyne Puntland ayaa wafdiga u yimid la wadaagay caqabadaha weli taagan iyo xalka ugu haboon ee lagaga gudbi karo, wuxuuna sheegay inay Puntland mar walba diyaar u tahay inay kaalinteeda ka cayaarto dhameystirka heshiiska doorashada Soomaaliya.

Wefdiga Qaramada iyo Madaxweynaha Puntland
Wefdiga Qaramada iyo Madaxweynaha Puntland

“Waxaan rajeynayaa qodobadii aan ka wada hadalnay oo dhan inay ahaayeen qodobo dhaxal-gal noqon doona, oo wax ka tari doona deganaashaha dalka iyo horusocodka siyaasadeed ee Soomaaliya,” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, ayaa dhankiisa sheegay imaatinkooda Garoowe inuu qeyb ka yahay socdaal ay ku marayeen dowlad goboleedyada Soomaaliya, iyadoo ujeedadu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqaynta dowladda federalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubinta ka ah.

“Waxaan sii wadeynaa in aan ku boorino dhamaan hogaamiyaasha Soomaaliya in ay ku sii adkaystaan sida ay uga go’an tahay iskaashi ay wada yeeshaan midba midka kale maadama ay ku jiraan u diyaar garowga doorashada,” ayuu yidhi Raisedon Zenenga.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.