Milatariga Itoobiya oo ku raadjooga hogaamiyayaashii TPLF

Addis Ababa (Aftahannews)- Dowladda Itooobiya ayaa sheegtay inay ugaarsaneyso oo ay ku raadjoogto hogaamiyayaashii gobolka Tigrey, maalin uun ka dib markii ay dowladda federaalka sheegtay inay la wareegtay magaalada madaxda Tigrey ee Mekelle.

Lama oga ilaa iyo imika halka ay ku sugan yahay hogaamiyihii gobolka Tigrey ,Debretsion Gebremichael.

Mr Debretsion ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in dhaqdhaqaaqa TPLF ay sii wadi doonaan dagaalka.

Dhanka kale safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay dalka dariska la ah Itoobiya ee Eritrea ayaa sheegtay in 6 qarax laga maqlay caasimadda, Asmara, shalay galinkii dambe.

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku tilmaamay hoggaanka Tigrey inay yihiin dambiilayaal.

Xilli dowladda fedaraalka ay sheegtay inay la wareegtay caasimadda Tigrey ee Mekelle ayaa waxaa uu Mr Abey qorsheynayaa inuu badalo maamulkii hore ee gobolkaasi lana dhiso mamaul cusub.

Balse hogaamiyayaasha Tigray ayaa waxay wacad ku mareen inay sii wadi doonaan dagaalka ay ku raadinayaan xaqa ay dadkooda u leeyihiin aaya ka tashigooda.

Arrintan ayaa waxaa ay muujinaysaa suurtagalnimada dagaal jabhadeed oo ka bilaabmay gobolkaasi.

Waxaa aad u adag in la xaqiijiyo wararka gobolkaasi laga helayo maadaama isgaarsiinta ay go’an tahay.

Eritrea oo horey ay TPLF ugu eedeeyeen inay dagaalka qeyb ka yihiin ayaa waxay wararku sheegayaan in qaraxyo waawayn laga maqlay, balse ma cadda waxa ay qaraxyadaasi yihiiin.

Xoogagga TPLF ayaa waxay horey madaafiic ugu garaaceen caasimadda dalka Eritrea.