Ujeeddada Bannaanbax Gilgilay Magaalada Baladweyne iyo Jidad Taayirro lagu gubay

Taayirro lagu gubay Waddooyinka Baladweyne iyo Bannaanbaxa Bulshada 2020
Taayirro lagu gubay Waddooyinka Baladweyne iyo Bannaanbaxa Bulshada 2020

Baladweyne(Aftahannews):- Banaanbax lagaga soo horjeedo Maamulka cusub ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle ee dhawaan la doortay, ayaa maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo ay qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Baladweyne isugu soo baxeen Axadda maanta.

Taayirro lagu gubay Waddooyinka Baladweyne iyo Bannaanbaxa Bulshada 2020
Taayirro lagu gubay Waddooyinka Baladweyne iyo Bannaanbaxa Bulshada 2020

Banaanbaxayaasha ayaa xidhay Jidadka halbowlaha u ah ee magaalada, iyagoo Taayirro ku  gubay waddooyinka muhiimka ah ee Baladweyne, iyagoo sidoo kale dhagaxanna ku jaray.

Dibadbaxaan ayaa sidoo kale imaanaya xili ciidamo isugu jira Militari Nabadsugid iyo Boolis aay goordhaw oo saaka ah u jiheystay dhanka fariisimaha ciidamada Janaraal Xuud inkasto ilaa hadana uusan dhicin wax iska hor imaad ah balse xili walba laga cabsi qabo inuu qarxo dagaal u dhaxeeya ciidamada Janaraal Xuud iyo kuwa Dowladda Federaalka.

Waxa uu bannaan-baxani ka mid yahay isu-soo-baxyo tan iyo markii ay socotay qaban-qaabada doorashada Maamulka cusub ee Hirshabeelle oo ay Bulshada reer Hiiraan saluug weyn ka muujiyeen qaabka loo xulayey Xildhibaannada iyo sidoo kale maamulka ka dhashay Baarlamaankii ay saluugsanaayeen xulitaankiisa.

Dadka isu soo baxa sameeyey waxay ku dhawaaqayeen weedho ay ka mid ahaayeen; “Hirshabeelle dooni-meyno, Cali Guudlaawe dooni-meyno..” kuwaas iyo erayo kale oo ay cadhadooda ku muujinayeen ayey ku dhawaaqayeen Bannaanbaxayaashu.

Xubno ka tirsan Dadka bannaanbaxa samayanayey oo Saxaafadda la hadlay, ayaa ku dooday iney taageersan yihiin Janaraal Xuud iyo ciidammadiisa, kaas oo abuuray Jabhad ka soo horjeedda Maamulka Hirshabeelle, isla markaana aanay taageersanayn Maamulkaas Bulsho ahaan.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii Madaxweynaha la doortay dhawaan ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo doonayey inuu booqdo magaalada Baladweyne, ay Shacabka reer Baladweyne ka hor-istaageen, isla markaana bannaanbaxyo sameeyeen inay ku diiddan yihiin imashada Madaxweyne Guudlaawe, halka ay ciidamo hubeysan oo la baxay Golaha Samata-bixinta Hiiraan, ay iska hortaageen inuu magaaladaas soo galaan Madaxweynaha iyo Waftigiisu.

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Abdi Waare, ayaa is casilay intii lagu jiray qaban-qaabada doorashada Maamulka cusub, ka dib markii uu sheegay in laga diiday in la sameeyo turxaan-bixin iyo dib-u-heshiisiin, isla markaana Dadka reer Hiiraan doorkooda la siiyo intaan doorashada la gelin, taas oo uu xusay in markii laga diiday uu xilka banneeyey.

Afar sannadood ka hor markii la dhisayey Maamulka Hirshabeelle, ayey dadka reer Hiiraan saluug xooggan ka muujiyeen qaab-dhismeedkii Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, iyagoo sidan oo kale bannaanbaxyo is-daba-joog ah oo ay diidmadooda iyo tabashadooda ku muujinayaan samayn jiray, inkastoo markii dambe isu soo dhawaansho la sameeyey oo xaaladda la dejiyey, haddana tabashadu halkeedii ayey taagnayd, xilli-doorashada bishii hore qabsoontayna way sii xoojisay, markii tabashadooda loo joojin waayey, sida ay ku doodayaan Bulshada Baladweyne.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.