Barlamaanka Puntland oo oggolaaday in aanay ka doodin heshiiska dekeda Boosaaso

Barlamaanka Puntland
Barlamaanka Puntland

Garoowe  (Aftahannews) – Golaha Wakiillada maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ogolaaday codsi ka yimid Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Denni oo ah in barlamaanka aanu ka doodin heshiiska DP World oo gacanta ku haysa dekeda Boosaaso.

Maanta ayuu barlamaanku u ballansanaa inuu ka doodo heshiiska DP-World, iyadoo qaar kamid ah xildhibaanada u ololeynayeen in la kansalo heshiiska DP-world maadaama shirkaddu fulin weyday ballamihii lala galay.

Barlamaanka Puntland
Barlamaanka Puntland

Madaxweyne Deni oo todobaadkii hore dhamaadkiisa la kulmay barlamaanka ayaa ku qanciyay in ayna ka doodin heshiiska dekeda Boosaaso, isagoo u sheegay inuu meel wanaagsan marayo dhammeystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) ee dekadda Boosaaso.

Xildhibaanada ayaa ugu dambeyntii cod gacan-taag ah ku oggolaaday, waxaana u codeeyay 38 xidlhibaan, halka 11 kalena ay  ka aamuseen.

Madaxweyne Deni oo muddo ku dhow bil ku maqnaa dalka Imaaraatka ayaa wararku sheegayaan in halkaas uu kulasoo kulmay madaxda DP–world.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Garoowe/Puntland.