Xeer-ilaalinta Qaranka Somaliland oo ka hadashay Tirada iyo Magacyada Dad Dil Qisaas ah lagu Fuliyey

DAD DIL TOOGASHO AH LAGU FULIYEY SOMALILAND 2020
DAD DIL TOOGASHO AH LAGU FULIYEY SOMALILAND 2020

Madheera (aftahannews):- Ciidammada kala duwan ee Somaliland oo fulinaya amar ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah iyo Maxkamadda sare ee Ciidammada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda, ayaa Dil Qisaas ah Khamiistii Maanta ku fuliyey Lix Qof oo dil sugayaal ahaa, isla markaana hore dilal u geystay.

DAD DIL TOOGASHO AH LAGU FULIYEY SOMALILAND 2020
DAD DIL TOOGASHO AH LAGU FULIYEY SOMALILAND 2020

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland Xasan Axmed Aadan, ayaa qoraal uu soo saaray oo uu isagu ku saxeexnaa, ku sheegay in dilkaas subaxnimadii Khamiista maanta lagu fuliyey meel fagaare ah oo ku ag-taalla Xabsiga dhexe ee magaalada Madheera.

Haddaba, Warqadda Qoraalka ah ee Xeerilaaliyaha guud ee Qaranku qaabka loo fuliyey Dilkaas iyo Marxuumiinta lagu fuliyey magacyadooda iyo mid walba Marxuumka uu hore u dilay magaciisa ku sharraxay Xeer-ilaaliyuhuoo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxay u dhignayd sidan ee kaga bogo warqadda hoos kaaga muuqata.

DIL QISAAS AH OO SOMALILAND KU FULISAY 6 MAXBUUS NOVEMBER 2020
DIL QISAAS AH OO SOMALILAND KU FULISAY 6 MAXBUUS NOVEMBER 2020
  1. Faarax Maxamed Cilmi (Ina Aamina Cali), kaas oo loo qisaasay dil uu u geystay Marxuum Faarax Cismaan Jaamac.
  2. Khaalid Cabdi Xaydar (Ina Nimco Cismaan), kaas oo loo qisaasay dil uu u geystay Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Liibaan.
  3. Khadar Maxamed Warsame (ina Amran Yuusuf), kaas oo loo qisaasay dil uu u geystay Marxuum Xasan Cabdi Jaamac.
  4. Sharma’arke Sahal Oogle (Ina Faadumo Maxamed), kaas oo loo qisaasay dil uu u geystay Marxuum Cabdi Aadan Jaamac.
  5. Yaasiin Maxamed Yuusuf (Ina Xaliimo Barre), kaas oo loo qisaasay dil uu u geystay Marxuum Farxaan Maxamed Aadan.
  6. Ex-Askari Boolis, Cabdikariim Maxamed Cali (Ina Caasha Aw-Aadan), kaas oo loo qisaasay dil uu u geystay Marxuum Ex-Askari Boolis Sakariye Cabdiraxmaan Cismaan.

Dilkan qisaasta ah ee maanta lagu fuliyey lixda gacan-ku-dhiigle ee dilalka hore geystay, ayaa noqonaya markii labaad ee Qisaas laga fuliyo Somaliland intii lagu guda-jiray sannadkan 2020-ka, waxaana 15-ka bishii Janaayo ee 2020-ka, sidan oo kale dil toogasho ah loogu fuliyey 6 Marxuum oo loo qisaasay dilal ay geysteen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.