“Siyaasiyiinta & Ganacsatada Kufsiga geysta waa laga sii daayaa Xabsiyada Somaliland, Laakiin..” Guddoomiye Maxamed Baaruud

Hargeysa(aftahannews):- Guddoomiyaha Komiishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Somaliland Maxamed Baaruud Cali, ayaa markii ugu horreysay daboolka ka qaaday oo sheegay in Xabsiyada dalka laga siidaayo Dadka Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada ah ee geysta dembiyada Kufsiga ah, halka ay Dadka danyarta u badani ku xidhan yihiin Xabsiyada Somaliland.

Maxamed Baaruud Cali, waxa uu sheegay inay Xabsiyada Somaliland ka jiraan Dad Masaakiin ah oo aan qabsan karin Qareenno u dooda iyo hanti toona, halka laga siidaayo Dadka hantida haysta iyo Siyaasiyiinta dembiyada gala, oo awoodaha dhaqaale iyo siyaasadeed kaga baxsada xukunka ay ahayd inay maraan amma dhammaystaan, taasina ay tahay gef iyo Caddaalad-darro aan indhaha laga qarsan karin.

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqda Aadamaha ee Qaranka Somaliland Maxamed Baaruud oo arrintaas kaga hadlay Kulan ay shalay Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Somaliland ku qabatay Hargeysa oo lagaga hadlayey Tacaddiyada Haweenka iyo Ubadka loo geysto, waxaanu yidhi; “Waxa la noo soo sheegay Dadka wax kufsada ee Ladan, sida Dad Ganacsatada ah iyo Dad siyaasiyiin ah oo Madax ah in iyadoo Maxkamado Xukumeen oo Kufsi lagu caddeeyay la siidaayo.” 

“Maxkamadaheenu waxay xukumaan uun Dadka jilicsan, bal u fiirso Dadka jeelasha inoogu jira, waxa ka buuxa Dad masaakiin ah oo aan looyar loo qabanin, iyaguna qabsan karayn Looyar (u dooda), laakiin Ninkii Ladnaa Looyar buu qabsanayaa, Xildhibaan u ordaya, Wasiir baa u ordaya, Cid walba waxay daba cararraysaa Qofkaa ladan, waalla siidaynayaa oo waxba lagu qaadi maayo.” ayuu yidhi Guddoomiye Maxamed Baaruud.

Haddaba, Guddoomiyaha Komiishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Somaliland oo arrimahaas ka hadlaya, waxaannu sidoo kale idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.